Ciidamo Badan Oo La Geeyay Baraha Koontarolada Xarunta Madaxtooyada

0
Monday April 12, 2021 - 08:54:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Badan Oo La Geeyay Baraha Koontarolada Xarunta Madaxtooyada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

       Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa saakay lagu arkayaa baraha Koontaroolada lasoo galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

      Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa ku sugan inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in Ciidanka halkaas ay dhigtay dowladda Federaalka.

      Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyada.

      Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, loona diray Xildhibaanada.

       Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulanka uu ka bilowdo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sameeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday.

     Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka horyimid qorshaha lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyay Baarlamaanka iyo Farmaajo, iyagoo ka digay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid dalka uga sii dari karta xaaladda Cakiran ee uu ku jiro.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip