Midowga Musharaxiinta Oo Diiday Muddo Kordhin Loo Sameeyo Farmaajo

0
Monday April 12, 2021 - 08:48:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta Oo Diiday Muddo Kordhin Loo Sameeyo Farmaajo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshe lagu doonayo in hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo loogu sameeynayo muddo kordhin.

      Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan dalka uusan u baahneyn muddo kororsi, isagoona eedeyn u jeeday Madaxweyne Farmaajo.

       Sheekh Shariif ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dhowr jeer kasoo kacay shirar looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka taagan, isla markaana uu ugu dambeeyay shirkii Madaxda uga socday Teendhada Afisyooni, kaasi oo fashilmay.

       Waxaa uu Shariifka ka digay isku day kasta oo lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxda dowladda ee waqtigoodu dhammaaday, isagoona xusay in arrintaas ay abuuri karto qalalaaso siyaasadeed oo dalka galo.

       Sidoo kale waxaa uu Sheekh Shariif nasiib darro uu ku tilmaamay in iyada oo ay Maanta ku beegan tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April ay Madaxtooyadu isku daydo inay ay ku boobto awoodda ciidanka, muddo kordhin aan sharci aheyn.

     "Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid” ayuu yiri Shariifka.

      Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed, dowlad Goboleedyada iyo iyo Beesha Caalamka u sheegay in wixii ka dhasha muddo kororsiga la qorsheeyay in aan lala wadaagi doonin Madaxda dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaaday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip