Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas'uul ka ahaa Qaraxii Kismaayo

0
Tuesday August 25, 2015 - 11:37:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas'uul ka ahaa Qaraxii Kismaayo

    Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi ahan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas'uul ka ahaa weerarkii ismiidaaminta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi ahan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas'uul ka ahaa weerarkii ismiidaaminta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo lagu tababaro ciidamo isku dhaf ah. Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in shaki badan uu ka jiro qaabkii uu weerarkaas u dhacay, isagoo xusay wadada gasha Jaamacadda Kismaayo ay tahay mid aag ciidan ah, isla markaana aan dadka iyo gaadiidka loo ogoleyn.
"Shaki badan ayaa ka qabnaa qaabkii weerarkaas u dhacay, waayo wadada gasha Xarunta Jaamacadda waa aag ciidan, labo babuur ayaa meeshaas taalay, mid waa gaarigii Taliyaha xerada iyo gaariga kale ee qaraxa fuliyay”ayuu yiri Maxamed Cumar Geeddi oo u waramayay Idaacada VOA.
Mr Geeddi ayaa is weydiiyay xero ammaankeeda aad loo ilaaliyo in qarax weyn ka dhaco, isagoo tilmaamay in gaariga weerarkaas fuliyay uu ahaa mid xerada laga yaqaanay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tuhun kale ay dhalisay sida deg deg ah ee loo toogtay askari la sheegay inuu ku lug lahaa weerarkaas, kaasoo ka mid ahaa saraakiisha tababarka ka waday xerada.
"Baaritaan sax ah in lagu sameeyo ayaa rabnaa qaabkii uu weerarkaas u dhacay iyo toogashada sarkaalka ee ciidamada Maamulka Jubbaland ka dambeeyeen, waxaana dooneynaa inay ka qeyb qaataan baaritaankaas hey’ado caalami ah”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba C/nuur Cali Aadan ayaa beeniyay eedeymaha ka soo yeeray Wasiir kuxigeenka howlaha Guud, isagoo xusay in arrintaas cadeymo loo haayo, ayna ka dambeysay Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay hadalka Wasiirka in aanu ka turjumeyn mid mas’uuliyadeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo baaro weerarkaas ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Jaamacadda Kismaayo.
Weerarkii Jaamacadda Kismaayo oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-Sabaab waxaa ku dhintay ill


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip