Laashin hore ayaa yiri: Nin kaaga dhuuntay meel dhib yaal, Ninkii kula dhintaa wax dheer=Nasashada Jimcaha.Q- 246.=

1
Friday April 02, 2021 - 10:34:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laashin hore ayaa yiri: Nin kaaga dhuuntay meel dhib yaal, Ninkii kula dhintaa wax dheer=Nasashada Jimcaha.Q- 246.=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      1.. Go’aanka Golaha Shacabka. shir deg deg ah oo ey isagu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka 31/3/2021, kadib markii ey dhageysteen Tala jeedinta Wasaaradda Cafimaadka, waxa ey soo saareen Go’aan. Sida uu qabo Qodobka 64aad ee Dastuurka iyo Qodobka 610 faqradiisa T, Goluhu isaga oo tixgalinaa Danaha Dadweynaha. wax uu soo saaray Go’aanadan:

 


a) Goluhu wuxuu Cambaareyn Adag dusha ka Saaray Cudurka Covid 19.
 
b) Corona waxaa lagu eedeeyay Mas’uuliyadda Dhamaan Dadkii u dhintay Cudurka Covid 19.
 
c) Corona waa in laga qaado Talaabo adag, Lana hor keeno Sharciga. ( F.S: 1aad)
( Ar Goluhu waa dadaaleen, ee Muddada ha loo kordhiyo).
 

     2. Laba Nin oo Waalan ayaa Qorsheeystay inay ka baxsadaan Isbitaalka Dadka waalwaalan. waxay Go’aansadeen iney Habeen barkii Iridda tagaan, Waardiyaha Madaxa Garuun uga dhuftaan, kadibna ey Iridda furaan eyna ka baxsadaan.
      
 
     Markii ey Iridda Tageen waxay arkeen ilaaladii oo Iridda ka maqan, iyo Iridii oo iska Furan. 
     waxay yiraahedeen Qorshaheenii sidaan ugu tala galnay ma ahan, waana fashilmay, Dib ayeeyna isaga soo Noqdeen. 
     waxa eyna ku heshiiyeen in ey Dib u qorsheeyaan mar kale sidii ey isbitaalka uga baxsan lahaayeen. ( F.S: 2aad).
 
          ( Somaliya Meeqa Maxbuus oo Xabsi Guri ku jirto ayaan ka faa’iideysan Fursado ey heleen)

      3.Dr. Hussein Sh.Axmed kadare, ayaa yiri: Haddii Nin uu Saaxiibadii ku yiraa, war Maroodi ayaa igu dul fadhiistay . 
    Mid ayaa ku leh, maxaad la qeylinee kuligeeyn ayuu nagu fadhiyaa Maroodigu. 
      Ninkaa waxaa lagu heeystaa Culeyskaan aan iska qaadno. 
       Dad badan ayaa Dulinimada ka doorbidayo Xuriyadda. ( F.S: 3aad).
 
( Laashin hore ayaa yiri: Nin kaaga dhuuntay meel dhib yaal, Ninkii kula 

dhintaa wax dheer.).

 
      4. Nin ayaa yiri: Aniga oo aroosi rabay ayaa Nin iskaabolo ah ii sheekeeyay waxa uuna ii sheegay in uu Deyn ku aroosay kadibna uu Naagtii furay, welina Deyntii lagu leeyahay si uu u bixiyana uu la’ yahay.         ka dibna waxaan Go’aansaday in aan iska sii ahaado Iskaabolo.
         (Mid waa hubaa Naag oo dhami Lacag ma jeclo, Sax miyaa?, Laakin mid kalena waa hubaa, Naaguhu ma jeclo Nin Fakhri ah, Sax miyaa?.
 
Dadka iskaabolada ugu sheekeynayo in guurku uu yahay, wax adag , waxa ey ka baqayaan in Gabdhaha saaxiibtood ah laga shukaansato).
 
        5. Dadku waxa ey arkayaan Madaxda oo murugeysan waxa ey u maleynayaan in Dhibaato ka heysato Guriga ama Xafiiska. Maya, waxa ey rabaan Lacag. ( F.S: 4aad)
        ( yaa ii sheegi karo sababta Badanaa, Somaliya looga waayay, Qof Mushaarkiisa oo kaliya ku Taajiray?. 

     Waxaan la yaabanahay Dadka leh Doorasho Xaq iyo Xalaal ah oo aan Lacag ama Xoog aan loo isticmaalin ayaan sugeeynaa.    Xaaladana waan fahamsanahay).
 
       6. Wiil 10 jir ah ayaa yiri: Aabaheey Cali waxa uu furay Hooyadeey oo leh 6 Caruur ah. waxaa ey isla Gurigii ku Guursatay Nin Kale oo aan Caruurteenu u naqaan Adeer Cali 2.
       Maalin Aniga, Hooyo iyo Adeer Cali 2 oo Fadhiga Filim ku fiirsaneyno ayuu Shaashada ka arkay Adeer Cali 2, Nin iyo Naag is dhunkanayo. Adeer Cali 2 , waa is tagay Qolkii ayuu galay, Hooyo ayuuna u yeearay isaga oo leh, Koob Biyo ah ii keen. Hooyo oo daalaneed ayaan ku iri: iska joog Anniga ayaa u geeyay Koobka Biyaha.
 
         Daqiiqado kadib Hooyo ayuu u yeeray isaga oo leh ii keen Shaatigii. kadibna Anniga istaagay oo u geeyay Shaatigii.
 
Mar kale ayuu u yeeray kuna yiri: kaalay qaado Lacagtii aan Xalay kuu balan qaaday. Hooyo waxaan ku iri, iska joog waad daalan tahay, Anigaa kuu soo qaadayo. Hooyo iyada ayaa istaagtay oo Lacagtii Doonatay. Ilaa Hadda Hooyo Qolkii kama soo bixin, Shanqarta dhaheygu maqlayaan waxaan u maleynayaa in Hadda Daalkii u sii batay ama ey xanuunsan tahay.
 
        Iriddu waa xiran tahay ee ma u garaacaa Albaabka? Maya, waxaan hubaa inta aan Hooyo ila hadal in uu Adeer Cali 2 i dhihi doono, yaa Aroosi jiray Naag 6 Caruura leh. ( F.S: 5aad )
        Ragga Labo ayaan leeyahay:
 
     a) Hooyada 6 Caruura leh ayaa dhaanto, Naag iska dhigee Raaliyo aan Caruur wadan, Laakin hore isaga soo tuurtay 3 Caruura ” Abortion” , waxa ey Hooyo u tahay 3 Qabri.
 
      b) Naag dhameystiran ma jirtee, guurso mid kadibna Adigu dhameystiro.
Haweenka Labo ayaan leeyahay:

 
      a) Naagaha Sanka faraatiga ku xirto, waxaan ku soo xasuustaa Sacii Caana diid ahaa ee Sanka Birtu uga jirtay ee u xirnaa Habaryartey Faduma Hirabe AUN. Coronaa jiree, Sanka ha isagu darin Faraati iyo Face mask.( F.S: 6aad).
 

     b) Gabareey haddii aad shukaansanee Nin Xaas leh, Fariin ha u qorin wakhtiga Cashada ee 8da Fiidnimo, wakhtigaa waxaa u joogo Kormeer.
 
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip