ADAA WAX ARKEE USHA II QABO.!!!

1
Friday March 26, 2021 - 21:17:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ADAA WAX ARKEE USHA II QABO.!!!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Sheekada hada socotaahi wey soo dhaaftay Riwaayaddii aheyd "AAN KU WALLEE HAYE DHEH,” oo waxey mareysaa Riwaayaddii kale ee aheyd "ADAA WAX ARKEE USHA II QABO " Soomaalidu wey xasuusataa meesha ay ka timid,lkn mataqaan meesha ay u socoto, waayoo waxa ay isku raacsan tahay waxaa ka tira batay waxa ay isku diidan tahay, sidaas daraadeed dad badan oo indhow arag ahi waxey iyagoo hebello ku xumeynaya u sacaba tumayaan in wax ma aragnee Usha naloo qabto.
TUSAALE:- Ismari waaga Siyaasadeed ee Soomaalida (Mucaarad & Muxaafid), isbarbar yaaca beesha 6 aad, dareen li’ida iyo kala qeybsanaanta shacabka, oo lagu daray waqtiga sii gurmaya oo aan awoodin in uu na sugo, intaa marka aad qumaati ugu eegto labadaada indhood, xaqiiqdii waxaa kuu muuqanaya dareeno kala duwan oo aan midkoodna dani ugu jirin Soomaalida lagu dul muransan yahay.
 
*MARKAAS AYAAD ISLEEDAHAY, :-
-Kuwa maanta caqligoodu hindisay iney Abdirishiid Janan oo xuduuda Kenya jooga heshiis ku raad shaan, misna awoodi waayay iney la heshiiyaan kuwa tuuryadoodu gaarto oo Muqdisho la jooga, taladuna kala dhexeyso, kuwaasi dan Soomaaliyeed ma wadaan.
NB/-Macnuhuna maaha inaan hishiiska diidanahay ee dhurwaa dhurwaa ka gardaran ayaanan arki karin.
 
-Kuwa iyagoo madax u ah gobolo Soomaaliyeed inta Muqdisho yimid misna Ajnabi la degay si ay ugu muujiyaan iney madax kale oo Soomaaliyeed oo talo kala dhexeyso ay ka baqanayaan, yo iney caasimaddii dalka suurad xumeeyaan si loo yiraahdo amni maaha, kuwaasina maslaxad Soomaaliyeed lagama sugayo.
 
-Kuwa iyaguna dalkaan madaxda ka soo noqday oo laga filayey iney Siyaasiyiinta junior-ka ah waxbadan ka dhaqan duwanaadaan oo noo noqdaan marjac Siyaasadeed, misna awoodi karay inta aaney xaaladu heerkaan gaarin iney meel fog wax ka eegaan, balse taa ka door biday iney mucaarad kasta oo Dowlada ka soo horjeeda wax la qooshtaan, iyagana hada talo laga sugaayo iima muuqato.
 
-Beesha 6-aad oo la islahaa dalkaan waqti iyo dhaqaale badan ayaa kaga baxay, weyna ku daaleen oo maanta waxey rabaan in Soomaaliya ay yeelato dowlad iyo kala dambeyn, iyagiina waa kuwaas marna MD Farmaajo la safan, Marna Dani iyo Axmed Madoobe iyo mucaaradka taageeraya, marna aan la garaneyn meel ay u socdaan iyo waxa ay damacsan yihiin, waana kuwaas warqadaha isburinaya soo kala saaraya, sidaas daraadeed iney nagu wiirsadaan oo na sii kala qeybiyaan mooyee iyagana wanaag laga sugaayo majiro..
 
-Dal marka uu hogaanka ama Siyaasiyiintiisu ka xumaadaan, dhanka kaliya ee laga sugayo iney badbaadiyaan waa shacabka, nasiibdaro dalkaan shacabkiisii waa kuwaas lakala safan kuwa ku dul gorgortamaya, oo weliba durbaanka mararka qaar qabyaaladeysan u kala tumaya, iyagana rajo lagama qabo iney dantooda iyo bedbaadada dalkooda u midoobaan, oo horaa looga quustay taas.
 
Halkaas markeey taagan tahay, ….Anigoo og in dadkeenu aaney runta isku sheegin oo ay taa bedelkeeda ka jecel yihiin iney been iyo qiyaali isku madadaaliyaan, ….Anigoo og in Soomaalidu maanta aaney Diin,Dal, Dowlad, Siyaasad,Dhaqan,iyo cadowgoodaba ku mideysneyn oo ay waa hore ku kala tageen, kuna kala aragti duwan yihiin , …Anigoo og inaad dhibsaneysaan in madaxdaas aad kala taageertaan la qaawiyo oo runta laga sheego, …..Anigoo og iney jiraan dad badan oo sida aan fekerayo u fekaraya, balse la aamusan,…Anigoo og inaad i soo caayi doontaan, …misna waxa aan madaxda,Shacabka iyo Beesha 6-aadba runta iyo canaanta ugala dul dhacay bal inaan qaarkiin hurdada ka toosiyo, kaba toosiba meysaane, oo aan dareensiiyo halka aan maanta taagan nahay iyo inaan cidina noo maqneyn ceelna noo qodneyn.
 
•Muxuu hadaba xalkeenu ku jiraa? Waa taas su’aasha mudan iney qalbiyo nadiif ah oo ka soo samata baxay wixii dalkaan ka soo dhacay ay waqti ku munaasaba isweydiiyaan.?
Koleey Aniga Cabsida igu jirta Allow been ka dhig,Aamiin, Aamiin…. Idinkuna Maryooleey intaas waxaad ku darsataan …..WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!
TANI WAA ARAGTIDEYDA-
WQ: abdulkadir Farah Dulyar
Maxaa yaab isdabayaal.!!!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip