XOG:- Khasaaraha Lacageed ee Canshuurta Maalinlaha ee Maraakiibta ka gudubta Kanaalka Suweys

0
Friday March 26, 2021 - 19:45:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG:- Khasaaraha Lacageed ee Canshuurta Maalinlaha ee Maraakiibta ka gudubta Kanaalka Suweys

    Jahwareer Dhaqaale kii ugu xumaa ayaa la sheegay inay soo wajahday Maamulka gacanta ku haya Kanaalka Suweys ee dalka Masar, kadib, markii uu Markab baaxad weyn uu xanibay labada dacal ee Marinka ee ay Maraakiibta ka gudbaan. Ilaa 9.6 Billion oo Do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jahwareer Dhaqaale kii ugu xumaa ayaa la sheegay inay soo wajahday Maamulka gacanta ku haya Kanaalka Suweys ee dalka Masar, kadib, markii uu Markab baaxad weyn uu xanibay labada dacal ee Marinka ee ay Maraakiibta ka gudbaan. Ilaa 9.6 Billion oo Dollar ayaa la sheegay inay maalin kasta ka soo xeroon jireen Lacagaha Canshuuraha ee ay Maamulka Kanaalka Suweys ka qaadi jireen Maraakiibta. Haddii si kale loo dhigo, Kanaalka Suweys waxa uu saacad kasta khasaari doonaa lacag dhan 4 million oo Dollar, sida lagu muujiyey Qiimeynta Xogta Maliyadeed ee Kanaalka. Madaxda Maamulka ee Kanaalka Suweys waxay shalay ku dhawaaqeen in si KMG loo joojiyey shaqada, kadib, markii uu maalintii Talaadada ee la soo dhaafay uu Markab nooca Kontaynarada xambaara uu si gudub ah ugu xayirmay labada Jambi ee Kanaalka. Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Ever Given waxa uu dhererkiisu dhan yahay 400 mitir, halka culayskiisa guud uu gaarayo 210,000 oo Tan. Fashil ayaa ku yimid Dadaallo xoogan oo lagu doonayo in laga soo jiido Markabka xanibay Isku-socodkii Maraakiibta, balse, Maamulku waxay weli mashquul ku yihiin sidii Isku-daygaasi loogu guuleysan lahaa. 8 Doonyaha jiida Maraakiibta ayaa loo jiheeyey inay soo jiidaan Markabka xanibay Kanaalka, kaasi oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Rotterdam ee dalka Netherlands. Guddoomiyaha Maamulka Kanaalka Suweys, Osaama Rabiici waxa uu shalay shaaciyey in shaqadii si KMG ah loo joojiyey, ilaa Markabka Ever Given laga jiidayo. Ilaa 50 Markab oo noocyada Xamuulka, Booyadlaha, Kontaynarada iyo kiwi Tamashlaynta ayaa waxay maalin kasta ka gudbi jireen Kanaalka Suweys oo muhiimad Khaas ah u leh isku-xirka Baddeed ee Qaaradaha Europe iyo Asia. Wargeyska ka faallooda Arrimaha Dhaqaalaha ee Bloomberg waxa uu qoray inay 185 Markab ay sugayaan inay ka gudbaan Kanaalka Suweys ee uu Markabka weyn xanibay. Sida laga dheehday Xogta Hay'adda La-socodka Maraakiibta ee VesselFinder waxaa Maraakiibta ku go'doomay Kanaalka Suweys yihiin kuwo ay leeyihiin Shirkadaha Maraakiibta ee AP Moller-Maersk A/S, Mediterranean Shipping Co., Ocean Network Express Pte and Yang Ming Marine Transport Corp. Maraakiibta ku go'doonsan Kanaalkaasi waxaa ka mid ah 10 Maraakiibta Booyadlaha oo wadar ahaan xambaarsan 13 million oo Fuusto ee Shidaalka Cayriin, halka 9 kalena ay wadaan waxyaabaha laga nadiifiyo Batroolka. Xogta Wargeyska Bloomberg waxaa kaloo lagu muujiyey in qiyaastii 300 Markab oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalalka Calaamka inay noqdeen kuwo ku xayirmay Kanaalka Suweys, kuwo sugaya inay Transit ku maraan ama muujinaya inay ku soo wajahan yihiin. Maraakiibta kale ee uu saameeyey Xanibaadda Kanaalka Suweys waxaa ka mid ah 40 Markab oo wada shixnado isugu jira Badeeco Qalalan, sida Shamiinto, Saliida cuntada, Shidaal iyo Kiimiko kale. Waxaa kaloo jira 8 Markab oo Xoolo nool wada iyo in ka badan 30 Markab ee nooca Xamuulka Guud (General Cargo Vessels) iyo Markab Booyadle Biyo xambaarsan.


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip