Biden 'oo ka niyad jabay' tallaabo uu qaaday Erdogan

0
Tuesday March 23, 2021 - 20:41:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden 'oo ka niyad jabay' tallaabo uu qaaday Erdogan

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka "mid si aad ah looga niyad jabo." Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Bid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka "mid si aad ah looga niyad jabo." Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa "mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin." "Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka," ayuu yiri Biden. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mdi ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii. Dikreetada madaxweyne ee kasoo baxay madaxtooyada Turkey ayaa lagu sharxay in go'aanka Ankara uu ka dhashay in heshiiskan loo isticmaalayo in lagu ilaaliyo xuquuqda bulshooyinka la isku yiraah LGBT, oo ay ka mid yihiin kuwa aaminsan inay is-guursan karaa dadka isku jinsiga ah. "Axdiga Istanbul, oo markii hore loogu talo-galay in lagu ilaaliyo xuquuqda haweenka, ayaa waxaa afduubtay koox isku dayeysa inay caadiyeeyaan is-guursiga dadka isku jinsiga ah, taasi oo aan waafaqsaneyn qiyamka bulsho iyo midda qoys ee Turkey, sidaas darteed waan ka baxnay heshiiska," ayaa lagu yiri qoraalka. Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas. AP + VOA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip