Dowladda Masar oo baaq u dirtay dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya

0
Tuesday March 23, 2021 - 20:17:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Masar oo baaq u dirtay dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya

    Xilli shalay si rasmi ah u qabsoomin Shirkii Wadajirka ee Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa waxaa socda dadaalo ay Beesha Caalamka ku doonayaan inay hal madal isugu keenaan Madaxda qeybta ka ahaa Heshiiskii Nidaamka Doorashada dalka ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli shalay si rasmi ah u qabsoomin Shirkii Wadajirka ee Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa waxaa socda dadaalo ay Beesha Caalamka ku doonayaan inay hal madal isugu keenaan Madaxda qeybta ka ahaa Heshiiskii Nidaamka Doorashada dalka ee ay horey u saxiixeen bishii September 17-dii ee sanadkii hore. Dowladdda Masar oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhamaan dhinacyada Siyaasadda Somalia inay sii ambaqaadaan Wada-xaajoodkooda si xal dhamaystiran looga gaaro Qabsoomida Doorasho loo wada dhan yahay. Afhayeenka Rasmiga ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar, Danjire Axmed Xaafid oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Qaahira waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay qeybaha Siyaasadda Somalia si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa Doorasho Xor iyo Xalaal oo dadka Soomaalida isla oggol yihiin, kuna qabsoonta Waqtiga ugu dhow ee ugu macquulsan. Cakirnaanta Siyaasadda Somalia waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Kulan uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar si wadajir ah uu maanta la yeeshay dhigiisa dalka Somalia iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasi oo haatan socdaal hawleed ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip