Qoorqoor oo booqasho ugu tagay Cabdicasiis Lafta-gareen (SAWIRRO)

0
Monday March 22, 2021 - 21:29:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoorqoor oo booqasho ugu tagay Cabdicasiis Lafta-gareen (SAWIRRO)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

     Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo sidii gudbi lahaa caqabadaha ku horgudban doorashooyinka.

      "Labadda Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis looga gaari lahaa arrimahan taagan.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Galmudug ku leedahay Facebook.

      Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli uu fashilka ku bilowday shirkii Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu waday inay ku yeeshaan Xerada Afisyooni. Tani ayaa ka dambeysay markii aanay shirkaasi ka qaybgelin Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland.

       Si kastaba ha-ahaatee Wakiilada Beesha Caalamka ayaa caawa Magaalada Muqdisho ka wada dadaaladii ugu dambeeyay, ee Madaxda Jubbaland iyo Puntland looga dhaadhicinayo inay shirkaasi ka qaybgalaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip