Nin ay xaaskiisa ka careysiisay oo lugeeyay 450km iyo ganaax la duldhigay

0
Thursday December 10, 2020 - 23:34:42 in Wararka by
  • Visits: 1540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ay xaaskiisa ka careysiisay oo lugeeyay 450km iyo ganaax la duldhigay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ninkan oo baraha bulshada looga yaqaano Forrest Gump ayaa nasiino ka doonay inuu lugeeyo, ka dib markii ay wada murmayn xaaskiisa.

Booliska Talyaaniga ayaa ninkan ku joojiyay deegaanka Fano ee Xeebaha Adriatic, ka dib hal toddobaad oo wadada uu ku soo jiray, isagoona markaasi ka tagay Magaalada Como ee Waqooyiga Talyaaniga.

      Mudadaasi uu lugeynayay waxa uu jaray masaafo dhan 450km.

       Booliska ayaa sababta ay u joojiyeen waxaa lagu sheegay in uu jebiyay awaamiirta laga soo saaray Coronavirus, ee dhaqdhaqaaqa xilliyada dambe ee habeenkii ah, waxayna ku ganaaxeen afar boqol, shan iyo sideetan dollar ($485).

          Ninkan ayaa 1994-kii filim uu waday jilaaga Tom Hanks ku jilay, isagoo cararaya kumanaan kiilo mitir, gudaha dalka Mareykanka.

                Sheekadan waxaa bilowgeedii hore qoray Wargeyska Il Resto del Carlino ee ka soo baxa Magaalada Bologno, si dhakhsi ah ayayna ugu faaftay Warbaahinta Talyaaniga.

          Ninkan ayaa booliska u sheegay "Waxaan halkan ku imid lug, wax gaadiid ah maanan isticmaalin. Intii aan wadada ku soo jiray waxaan la kulmay dad ii fidiyay cunno iyo cabitaan, waana fiicanahay, xoogaa uun baa daalay.”

           Dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa dhaliilay ganaaxa lacageed ee lagu riday ninkaasi, iyagoona taasi u sababeeyay inuu yahay halyeey go’aan wanaagsan qaatay.



xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip