Xarun la Habaari Jirey oo haatan loo Duceynayo!!!

0
Monday November 16, 2020 - 09:23:30 in Wararka by
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun la Habaari Jirey oo haatan loo Duceynayo!!!

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Dhuunta ayay na qabteen, maxaa halkaan loo soo dajiyay, go’doon ayay na galiyeen, inkaar ha ku dhacdo, jidkii na loo soo mari jirey ayay naga gooyeen iyo ereyo kale oo habaar ah ayaa farqaha loogu shubi jirey xarunta cusub ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir, taasi oo dhawaan laga hirgaliyay degmada Xamar-weyne.

 
Ganacsatada yar-yarka ah ee ka xoogsada agagaarka xaruntaas iyo wadayaasha Moto Bajaajleydii isticmaali jirey wadada hor-marta xaruntaasi ayaa si weyn u dhibsadey markii agtooda la keenay xaruntaasi, khaylo dhaan ayay ka sameeyeen laakiin cidna dhag jalaq uma siinin, ilaahaa joogo ayay isaga gaabsadeen markii ay waayeen cid cabashadooda ka hoos qaada!!!.
 
Dhawr bilood ayaa ka soo wareegtay tan iyo intii uu Agaasinka cusub ee Waxbarashada G/Banaadir uu ka shaqo bilaabay xaruntiisa cusub ee magaalada Muqdisho, ayaanba waa ayaan, maanta ayaa markii iigu horeysay booqday xaruntaasi oo aan ogaa sidii loo habaari jirey markii ay halkaasi soo degaysay.
 
Abaarihii 12:00 duhurnimo ayaa u dhaqaaqay xaruntaasi, waa markii koowaad ee aan muraad ka yeesho, su’aalo badan ayaa si hoose isu weydiinayay, ka hor intii aan gaarin halkaasi, wal-wal ayaa dareemayay, cabsi waxa aan ka qabay in la igu adkeeyo, berri soo noqo, laaluush ma haysaa iyo xujooyin kale in la iga horkeeno ayaa ka walaacsanaa.
Intii aan nafsadayda la sii sheekaysnayay ayaa arkay Aniga oo gaaray ilinkii xaruntaasi, "Joogso” ayuu igu yiri askari taagnaa albaabka hore ee dhismahaasi, "Intee u socotaa” ayuu ii raaciyay? magaca Xafiiskiii aan u socday ayaa si kooban ula wadaagay.
 
Baaritaan kadib, gudaha ayaa u galay xaruntii, qof aan u mooday inuu ka tirsanaa hawl-wadeenada goobtaasi ayaa weydiiyay inuu ii tilmaamo Xafiiska Imtixaanaadka ee qaabilsan qaadashada Shahaadooyinka, si fudud ayuu farta iigu fiiqay qol aan sidaasi iiga fogeyn, dhawr talaabo kadib, gudaha ayaa u galay Xafiiskii, nin dhallinyaro ah ayaa ugu tagay, salaan kadib, waxa aan u sheegay ujeedada socodkayga.
 
"Soo dhawoow” ayuu igu yiri, "Keen warqadda” ayuu ii raaciyay, si fara fudeyd ka muuqato ayaa warqadi gacanta uga galiyay, baaritaan uu ku raadinayo shahaadadii aan baadi goobayay ayuu bilaabay, daqiiqado kooban kadib, waxaa la ii soo taagay shahaadadii aan saakay u soo muraaday.
 
Aniga oo la dhacsan sida fudud ee wax la iigu qabtay ayaa wiilkii ila socday ee lahaa shahaadada, waxa aan ku wareejiyay shahaadadiisa, mahadnaq kadib, waxa aan dibadda uga soo baxnay Xafiiskii aan ku jirnay.
 
Waa rumaysan waayay sida sahlan ee la iigu adeegay, la yaab ayay arintaasi igu noqotay, hubaashii Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir waa meel aan Musuq ka jirin , waa xarun aan laga aqoon lugooyo, berri soo noqo, afgarasho ma haysaa Iwm.
 
Duco iyo hambalyo ayaa u hibeeyay shaqaalaha xaruntaasi oo ku sifoobay maamul wanaag iyo inay ummaddooda ugu adeegaan daacadnimo, hufnaan iyo khibrad shaqo.
 
Inkasta oo aan shalay ka mid ahaa dadkii habaari jirey xaruntaasi maadaama ay ciriiri badan keentay ayaa haatan waxa aan ka mid ahay akhyaarta u Duceynaysa xaruntaasi oo aaminsan in la mahadiyay, faa’iido ka badan cabashadii la qabay ayaa xaruntaasi laga helay, bacdamaa ay hayso hawl ummaddeed oo mar walba baahi weyn loo qabo.


WQ:C/Laahi Shiiqaalow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip