Gerard Deulofeu oo dhawaan qaab amaah ahaan ugu dhaqaaqay Udinese, kaddib markii uu kaga soo biiray kooxdiisii Watford, ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay la kulanka Ronaldinho, oo loo arko mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan lambarka 10-aad ee kooxda Barcelona.
Wargeyska "Daily Mail” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Gerard Deulofeu, wuxuuna ku sheegay:
"Aniga ahaan, Ronaldinho waa ciyaariyahankii ugu fiicnaa abid”.
"Waxaan la kulmay isaga, waxaan u aaday inaan daawado ciyaar ka dhaceysay Camp Nou, wuxuuna fadhiyay akteyda, waxay ahayd khibrad weyn”.
Waxaa xusid mudan in halyeeyga reer Brazil uu dhaliyay 97 gool, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay saaxiibadiis 71 gool kale, 207 kulan uu ku ciyaaray maaliyada Blaugrana intii u dhaxeysay 2003 ilaa iyo 2008.
Ma ahan Messi ama Ronaldo.. Xiddig hore ee kooxda Barcelona ah oo doortay laacibkii ugu fiicnaa taariikhda
Laacibkii hore kooxda Barcelona ee Gerard Deulofeu ayaa iska indho tiray saaxiibkiis hore Barca ee Lionel Messi, kaddib markii uu doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta, isagoo carabka ku adkeeyay in booskaas uu mudan yahay Ronal