Rodrygo: "Ma doonayo inaan noqdo Neymar-ka cusub

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:23:10 in Wararka by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rodrygo: "Ma doonayo inaan noqdo Neymar-ka cusub

    Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu noqdo "Neymar-ka cusub" kaddib markii uu ka hadlay isbarbardhiga xiddigga weyn ee Selecao. Rodrygo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kubada cagta ee u soo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu noqdo "Neymar-ka cusub" kaddib markii uu ka hadlay isbarbardhiga xiddigga weyn ee Selecao. Rodrygo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kubada cagta ee u soo baxaya Real Madrid, isagoo kasbaday abaal-marinta Goal ee NxGn 2020. 19-sano jirkaan garabka ka ciyaara ayaa 45 milyan oo euro oo u dhiganta 39.3 milyan oo gini ama 52.2 milyan oo dollar kaga soo dhaqaaqay Santos, isagoo ka mid noqday Real Madrid sanadkii 2019-kii ayaa culeys ku dareemaya isbarbardhigga weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Neymar iyo Robinho oo labadoodaba ka soo baxay kooxda reer Brazil. Rodrygo Goes oo dadka qaarkood ay la barbardhigaan Neymar Jr ayaa su'aashaas uu si rasmi ah waxaa wax u weydiiyey telefishanka CBF TV, isagoo ka jawaabayana waxa uu yiri: "Tan iyo markii aan xirfaddayda ka soo bilaabay Santos, waxa ay iigu yeeri jireen Neymar-ka cusub ama Robinho-ha cusub, had iyo jeer culeyskaas ayaa i dul saarnaan jiray. "Laakiin anigu waxaan mar walba sheegi jiray in aan doonayo inaan ahaado Rodrygo oo aan taariikh aniga ii gaar ah samaysto. "Robinho iyo Neymar waa labo xiddig oo waa weyn u ah Santos, Brazil iyo kooxihii ay u soo ciyaareen, balse anigu hadda uun baan bilaabay ciyaaraha, kamana fikirayo inaan ahay Neymar-ka cusub, waa jira hal Neymar oo kaliya."


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip