RASMI: Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo laga helay Korona Fayras

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:13:39 in Wararka by
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo laga helay Korona Fayras

    (Lisbon) 13 Okt 2020. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyey in laga helay Korona Fayras. Kaddib markii maanta la helay KOFID 19 CR7 ayaa seegi doona kulanka UEFA Nations Leag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Lisbon) 13 Okt 2020. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyey in laga helay Korona Fayras. Kaddib markii maanta la helay KOFID 19 CR7 ayaa seegi doona kulanka UEFA Nations League oo uu xulkiisa qaranka Portugal la leeyahay dhiggiisa Sweden. Bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Portugal ee FPF ayaa lagu xaqiijiyey in CR7 laga helay Korona Fayras isla markaana xulka laga fasaxay waxaana uu u dhignaa: "Cristiano Ronaldo waxaa laga fasaxay shaqada xulka qaranka kaddib markii laga helay Korona Fayraska sidaas awgeed ma wjaihi doono xulka Sweden. "Xiddiga reer Portugal aad ayuu u fiican yahay, wax calaamo ah kama muuqdaan, wuxuuna ku jiraa karantiil. "Kaddib markii Cristiano Ronaldo laga helay, waxaa iyagana baaris cusub lagu sameeyay ciyaartoyda kale saaka oo Talaado ahayd, mana jiraan xiddigo kale oo laga helay, iyagoo diyaar u ah tababarka galabta ee macallin Fernando Santos. Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale seegi kara kulammada kooxdiisa Juventus wajahayso Crotone iyo Hellas Verona ee horyaalka Serie A & kulanka ay Kooxda Dynamo Kyiv ku wajahayaan tartanka Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip