Chelsea oo u Xeydxeydanaysa Heshiis ay la Gasho Goolhayaha PSG
Kooxda kubadda cagta Chelsea ay ku fikireyso inay la soo saxiixato goolhaayaha Paris Saint-Germain ee Alphonse Areola sida ay shaacisay shabakadda "Le10Sport".
Alphonse Areola ayaa u ciyaaray Real Madrid xilli ciyaareedkii xagaagii hore, kaddibna wuxuu dib ugu laabtay kooxdiisa Paris Saint-Germain xagaagan.
Waxay noqotay wax aan macquul aheyn in Alphonse Areola uu fursad ka helo safka kooxda Paris Saint-Germain, gaar ahaan kaddib bandhigga cajiibka ah uu ka sameeyay Keylor Navas naadiga PSG xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
"Le10Sport" ayaa tilmaantay in Chelsea loo soo bandhigay inay qandaraas la gasho goolhayaha reer France ee Alphonse Areola inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, si uu badel ugu noqdo goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga oo la filayo inuu ka tagi doono Blues.
Chelsea ayaa u kaba qaadaneysa saxiixa Alphonse Areola haddii ay ku guuldareysato saxiixa goolhaayaha kooxda Rennais ee Edouard Mendy oo ay ka dhiganeyso bar-tilmaameedkeeda koowaad. .
Chelsea oo u Xeydxeydanaysa Heshiis ay la Gasho Goolhayaha PSG
Kooxda kubadda cagta Chelsea ay ku fikireyso inay la soo saxiixato goolhaayaha Paris Saint-Germain ee Alphonse Areola sida ay shaacisay shabakadda "Le10Sport". Alphonse Areola ayaa u ciyaaray Real Madrid xilli ciyaareedkii xagaagii hore,