Taabit Cabdi oo farriin u diray Madaxda Shirka uga furmayo Dhuusamareeb
Wadahadalku waa u dawo Dad iyo Dowladba. Shacabka Soomaaliyeed waxay rabaan nabad, maamul wanaagsan iyo wadajir, waana sababta loo dhageysanayo qof walba oo maanta yiraahda waxaan wadaa dib u heshisiin siyaasaddeed iyo mid bulsho.
Waxaan boggaadinayaa kullanka Dhuusamareeb, waxaana ugu baaqayaa madaxda isugu imaaneysa caasimadda Galmudug in ay curiyaan aragti badbaadin karta Dowladnimada Soomaaliya, abuuri kartana doorasho la isla ogolyahay oo aan lumineyn xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa muhiim ah in kullanku uu intaas ka ballaarto iyadoo
la eegayo waqtiga ka dhiman muddo xilleedka madaxda Dowladda hada jirta,
oo wajiga labaad ee shirka ay ku biiraan madaxda Dowladda Federaalka ah
iyo Xisbiyada Siyaasadda, si loo helo xal Qaran.
Mahad-badan.
Taabit Cabdi oo farriin u diray Madaxda Shirka uga furmayo Dhuusamareeb
Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhaweeyay shirka lagu wado in Maalinta berito ah uu Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmo Magaalada Dhuusamareeb. Qoraal uu Taabit Cabdi soo dhigay bartiisa