Xaaladaha Coronavirus ee dalka laga diiwaangeliyay

0
Wednesday July 08, 2020 - 22:30:36 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladaha Coronavirus ee dalka laga diiwaangeliyay

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa goor dhow ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga xaqiijiyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa goor dhow ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga xaqiijiyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 13 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay Gobolka Banaadi

          7 ka mida bukaanada cusub ayaa ku sugan Gobolka Banaadir, iyadoo 4 ku sugan yihiin Puntland, halka 2-da kalana laga diiwaangeliyay Somaliland.

Sida qoraalka lagu sheegay 9 ka mida bukaanada cusub waa rag, 4-na waa haween, waxayna wadarta guud ee xanuunka dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysaa 3,028 qof.

             Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa ku cad inay xanuunka ka bogsadeen 51 qof, taa oo tirada guud ee xanuunka ka bogsatay guud ahaan dalka oo dhan ka dhigeysa 1,147 qof.

             Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaan jirin xaalado dhimasho ah oo dalka laga diiwaangeliyay, waana maalintii afaraad oo xiriir ah, oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho oo ka dhashay COVID-19, inkastoo ay horey ugu geeriyoodeen dad ay tiradoodu gaareyso 92 qof.

             Toddobadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay xaaladaha dalka laga diiwaangelinayo, taasi bedelkeedana ay isa soo tareyso tirada xanuunka ka bogsaneyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip