Shil Gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Hargeysa
Shilkana oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Isha gobka ee duleedka Koonfureed ee Hargeysa, waaxana shilkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid kamid ah ay la socdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland,waxaana shilkaasi ku dhintay laba Ruux oo mid kamid ah uu yahay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland oo lagu Magacaabi jiray G/le Badel Xasan Qayl.
Wariyeyaal tegay goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in sidoo kale shirkaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo kala saarnaa labada gaari,isla markaana gawaarida uu soo gaaray burbur xooggan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay,kuwaas oo oo gurmad u sameeyay dadka shilka ku waxyeeloo bay,kuwaas oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Maalin ka hor Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland ayaa shaacisay in sanadkii tegay ee 2019 deegaannada Soomaaliland ay ka dhaceen shilal ay ku geeriyoodeen 200 oo Qof , 500 oo qofna way ku dhaawacmeen,hanti ka badan laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.
Shil Gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Hargeysa
Shilkana oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Isha gobka ee duleedka Koonfureed ee Hargeysa, waaxana shilkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilka ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari