Halka uu ku dambeeyay Shirkii uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo

0
Sunday July 05, 2020 - 11:02:41 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka uu ku dambeeyay Shirkii uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo

    Maanta oo Axad ah kuna beegan 5/7/2020 ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu shir ku casuumay inay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhacay,kadib markii ka qeyb-galka shirka ay diideen laba kam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Axad ah kuna beegan 5/7/2020 ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu shir ku casuumay inay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhacay,kadib markii ka qeyb-galka shirka ay diideen laba kamid ah Dowlad Goboleedyada. Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo si mideysan u mucaaradsan Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay si cad u sheegeen inaysan ka qeyb-galeyn shirka ,kadib kulamo ay si gooni gooni ah u yeesheen Baarlamaanka Jubbaland iyo Baarlamaanka Puntland. Labada Maamul ayaa waxaa ay tabasho ka muujiyeen Madaxda Dowladda gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegeen in uusan fulin balantii uu kula galay shirkii dhanka Internet-ka ah oo ay la yeesheen taas oo ku saabsaneyd in la joojiyo Xeerarka doorashada oo ay Baarlamaanka ansixiyeen. Shirka ayaa mudeysnaa in uu furmo 5-ta Bisha oo Maanta ku beegsan,isla markaana uu socdo ilaa 8-da, hayeeshee uusan jirin hal Maamul Goboleed oo madaxdiisa ay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay shiraasi uga qeyb-galaan. Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweyne Farmaajo uu shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse shirarkaasi ay diideen ka qeyb-galkiisa Puntland iyo Jubaland qaadaceen. Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dib u dhaca ku yimid shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo iyo qorshaha xiga oo ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya maadaama shirkaasi looga hadli lahaa arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin Amniga iyo doorashooyinka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip