Al-Shabaab oo gaari kala degay Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle

0
Sunday July 05, 2020 - 11:00:11 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo gaari kala degay Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle

    Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay gaari uu saarnaa kala degeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Xildhibaanka oo lagu Magacaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay gaari uu saarnaa kala degeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Xildhibaanka oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa sida la sheegay ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar,isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho, balse Gaariga lagala degay xilli uu marayay wadada xiriirisa Magaalada jowhar & degmada Balcad gaar ahaan duleedka Tuulada Gololeey. Odayaal la socday Xildhibaanka oo kasoo raacay Magaalada Jowhar ayaa Warkaan u xaqiijiyay Radio Risaala, iyaga oo sheegay in iyaga ay ka badbaadeen,balse ay gaariga kala dageen Xildhibaanka oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen. Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ay Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro lagu dilay Xildhibaano, Askar iyo mas'uuliyiin kale,iyaga oo sidoo kale gaari kala degay dad la Shaqeynayay Dowladda Soomaaliya. Mas'uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin Xildhibaanka ay Al-Shabaab gaariga kala dageen,hayeeshee Risaala ay xiriiro kala duwan la sameysay welina u suurtagelin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip