Tirada dadka u dhintay COVID-19 ee dalka oo korodhay

0
Saturday July 04, 2020 - 21:16:00 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadka u dhintay COVID-19 ee dalka oo korodhay

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa marka hore lagu sheegay in dalka laga diiwaangeliyay 23 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay Somaliland. 16 ka mida bukaanadan cusub ayaa laga diiwaangeliyay Somaliland, iyadoo Puntland laga helay 5 xaaladood, halka min hal xaalad laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir iyo Jubbaland. Bukaanada cusub 22 ka mida waxaa weeye rag, taasoo wadarta guud ee dadka uu xanuunka ku dhacay ee gudaha dalka ka dhigeyso 2,961 oo qof. Sida qoraalka lagu sheegay waxaa xanuunka ka bogsaday 21 qof, waxayna tirada guud ee xanuunka ka caafimaaday ka dhigeysaa 973 qof.

             

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 2 bukaan ay u geeriyoodeen xanuunka, waana markii ugu horeysay oo xaalad dhimasho ah dalka laga soo wariyay in ku dhow laba toddobaad. Dadka u geeriyooday xanuunka waxaa ay gaarayan 92 qof.

Jadwalka Wasaaradda Caafimaadka ay caawa soo saartay waxaa ku cad in bukaanada haataan uu xanuunka hayo ay tiradoodu gaareyso 1,896 qof.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip