Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kubadda Cagta

0
Sunday April 26, 2020 - 21:54:44 in Wararka by
  • Visits: 2859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kubadda Cagta

    Tababare Jose Mourinho ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi aanay ahayn xiddigihii ugu wanaagsanaa ee ciyaaray kubaddii ugu quruxda badnaydn. Tababaraha reer Portugal ee hadda layliya Tottenham, waxa uu sheegay in labada ciyaartoy e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Jose Mourinho ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi aanay ahayn xiddigihii ugu wanaagsanaa ee ciyaaray kubaddii ugu quruxda badnaydn. Tababaraha reer Portugal ee hadda layliya Tottenham, waxa uu sheegay in labada ciyaartoy ee waqtigan dunida haysta ee Cristiano iyo Messi uu ka wanaagsanaa halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario. Intii aanay soo bixin Ronaldo iyo Messi, waxa dunidu hadal hayn jirtay wacdarihii weerar iyo goolashii quruxda badnaa ee uu dhalin jiray Ronaldo Nazario oo dalkiisa ka caaiwyey inay ku guuleystaan laba koob adduun, laba jeerna la guddoonsiiyey abaal-marinta Ballon d'Or. Waqtiyo qurux badan oo Ronaldo Nazario uu kusoo qaatay Real Madrid, Barcelona iyo Inter Milan kaddib, waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo aan ku guuleysanin Champions League, laakiin nasiib-darrooyinkiisa kale waxa ugu weynaa dhaawacyo ragaadiyey bandhiggiisa oo sababay inuu ku dhowaad saddex sannadood oo xidhiidh ah oo u dhexeeyey 1999 illaa 2002 uu garoomada ka maqnaado. Jose Mourinho waxa uu turjumaan u ahaa Bobby Robson oo uu kala shaqaynayay Barcelona xilligii uu halyeyga reer Brazil yimid ee uu gool-dhalinta ku qaday sannadkii 1997-kii, waxaanu aqoon fiican u lahaa laacibkaas iyo labada ka dambeeyey ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo midkoodna uu tababare ugu soo noqday Real Madrid kan kalena kulamo badan ka hor tegay. Mourinho oo warbaahinta la hadlay ayaa la weydiiyey haddii ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ahaayeen kuwa kubadda cagta ugu wanaagsanaa, waxaanu labadoodaba u diiday inuu siiyo libintaas, isaga oo yidhi: Ronaldo, El Fenomeno. Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi waqti dheer ayay xirfadda ku jireen, waxaanay heerka ugu sarreeya yihiin maalin kasta muddo 15 sannadood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip