Xiriirka kubbadda Cagta oo munasabad duco ah u sameynaya cayaaryahano qaran oo dhawaan geeriyooday.

0
Thursday April 09, 2020 - 07:53:02 in Wararka by
  • Visits: 2781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubbadda Cagta oo munasabad duco ah u sameynaya cayaaryahano qaran oo dhawaan geeriyooday.

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa munaasabad duco ah u sameynaya cayaaryahano qaran oo dhawaan geeriyooday, sida uu shaaciyay, xafiiska warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa munaasabad duco ah u sameynaya cayaaryahano qaran oo dhawaan geeriyooday, sida uu shaaciyay, xafiiska warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.               "Munaaabadda waxaa qorshuhu yahay in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ah ee bisha April tahay 11. Waxaan xusuusan doonaa una duceyn doonaa sadex cayaaryahano hore ahaa oo sumcad weyn ku lahaa kubbadda cagta Soomaaliya oo dhamaantood geeriyooda mudd 3 usbuuc ka yar gudeheed”ayuu yiri agaasimaha warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Islaw oo war saxaafadeed soo saaray

                  "Waa murugo aad u weyn in aan weynay sadex saaxiib oo waaweyn, ahaana cayaaryahano qaran oo muddo usbuuccyo gudohood ah geeriyooday. Waxay kala yihiin Ibraahim Maxamed xersi oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 14-kii Maarso, Cabdulqaadir Maxamed Faarax oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska, 24-kii Maarso iyo Saciid Maxamed Ducaale oo ku geeriyooday dalka Yemen 1-dii bishan April”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

                   Munaasabadda ducada ah ee loo qabanayo sadexda cayaaryahan ee hore waxaa ay subaxda Sabtida ka dhici doontaa magaalada Muqdisho, waxaan kasoo qeyb geli doona masuuliyiin sar sare oo ka tirsan hoggaanka isboortiga dalka.

                Wasiiradda dhallinyarada iyo cayaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab, ku xigeenadiisa Cali Cabdi Maxamed, iyo Cabdullaahi Sheekh Nuur Axmed iyo guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa hoggamin doona munaasabadda ducada ah waxaana ku biiri doona, Xoghayaha Guud ee Olombikada Soomaaliyeed,Maxamed Cabdow Xaaji, xubhana guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, guddoomiyeyaasha xiriirrada cayaaraha dalka, guddoomiyeyaasha naadiyada kubbadda cagta, garsooreyaal iyo xubno ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya.



                 Somali Football Federation Media Department.

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip