WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 29KA FEBARAAYO 2016KA

0
Monday February 29, 2016 - 09:27:19 in Wararka by
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 29KA FEBARAAYO 2016KA

    MADAXDA DALALKA AY CIIDAMMADA KA JOOGAAN SOOMAALIYA OO ISKU RAACAY XOOJINTA IYO TAAGEERADA HAWLGALKA AMISOM Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ayaa shalay kulan ay ku ye esheen magaalada Djibouti ka soo saarey war murtiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXDA DALALKA AY CIIDAMMADA KA JOOGAAN SOOMAALIYA OO ISKU RAACAY XOOJINTA IYO TAAGEERADA HAWLGALKA AMISOM Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ayaa shalay kulan ay ku ye esheen magaalada Djibouti ka soo saarey war murtiyeed ay ku caddeeyeen baahida loo qabo xoo jinta, tayeynta iyo ka guul gaarista hawlgalka AMIS OM ee xasilinta Soomaaliya iyo burburinta koox da argagixisada ee Al Shabaab.

 

Shirkan oo ay martigelisey Djibouti, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha JFS, Md.Xasan Sh.Maxamuud, Madaxweynaha J/Djibouti, Md.Ism aaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha J/Kenya, Uh uru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobaya Haile mariam Desalegn iyo wakiilo ka kala socday Uga nda, Burundi, Midowga Afrika, IGAD, Q/Midway iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jee diyay kulanka ayaa sheegay in hawlgalka AMISOM uu guulo badan soo hoyey, balse haatan loo baah an yahay in la tayeeyo , sarena loo qa ado waxqab adkooda si guul kama dambeys ah looga gaaro da gaalka lagula jiro kooxaha argagix isada, nabad buuxdana loogu soo dabaalo dalka iyo gobolka Ge eska Afrika.

"Soomaaliya horumar la taaban karo ayay sam eysey, waxaana taa abaalkeeda leh dalalka hal kan fadhiya oo go’aansadey inay wiilashooda iyo gab dhahooda inoo soo diraan, kuwaas oo naft ooda u huraan nabad ka aslaaxinta Soomaaliya. Waxaa Soomaaliya 9kii sanno ee AMISOM ay dalk a jog tay la gaarey guulo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay qorshaha sannadkan la doonayo in muddo 47 sanno kadib doorashooyin ay waddankeena ka dhacaan’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo xajiyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in hawlgal mi lateri oo si wanaagsan la isugu soo dubbariday la gu qaado kooxaha argagixisada. "Al Shabaab wax ay doonayaan inay shacabka niyadda ka jebiyaan, isla markaana ay carqaladeeyaan hadafka aanu leenahay sannadkan 2016ka. Waxaa naga go’an inaan meesha ka saarno argagixisada. Im inka oo aan idin la hadlayo ciidammada Xoogga Dalka Soo maaliyeed iyo kuwa AMISOM waxay u dhaqaaqe en goobaha ay ku dhuumaleysanayaan Al Shaba ab, waxaana hubaal ah in dhowaan la soo afjari do ono weerarada ay wadaan kooxda naf la caariga ah ee dhiigga shacabka baneystey’’.

Madaxweynaha ayaa madaxda shirka ka qey bgashey u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin wadashaqeyn iyo xiriir hufan oo dhex mara taliska dhexe ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya, in la xoojiyo taageerada la siinayo barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya oo iyagu aakhirka hawsha kala wareegi doona AMISOM, xoojinta sir doonka, tababarka ciidammada iyo in weerarada la qaadayo ay noqdaan kuwo lagu beegsanayo barti lmaameedyada muhiimka ah ee cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Md.Is maaciil Cumar Geelle oo isna kulankaasi ka hadley ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay mid la gu taageerayo dadaalka Madaxweynaha Soomaal iya iyo dowladdiisa ay ugu jiraan xasilinta dalka, is agoo si gaar ah hoosta uga xariiqey muhimadda ay leedahay barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Ismail, Chergui, oo ah Madaxa Guddiga Mid owga Afrika ugu qaabilsan amniga iyo nabadgelya da ayaa sheegay in la xoojinayo awoodda ciidam mada AMISOM dhan kasta, la iskuna afgartey in ta shiilaad badan oo soo dedejin kara guulaha ciid ammada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya la bixiyo.

Waxaa kale oo uu Mr Chergui sheegay in ciid ammada AMISOM ee jooga Soomaaliya mar wa lba la xusuusinayo, loogana fadhiyo inay dhowraan xuquuqda aadanaha, difaaca shacabka iyo inay ka fogaadaan in la waxyeeleeyo dad shacab ah inta ay socdaan hawlgalada Al Shabaab looga soo hor jeedo iyo kuwa dalka lagu aslaaxinayo intaba.

Madaxdii kale ee ka soo qeybgashey shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ka jira, isla markaana beesha caalamka ugu baaqey inay sii wadaan taageerada lagu xajinayo na badda Soomaaliya. DHAMMAAD

ISBAHAYSIGA MADAXWEYNAHA DALKA IRAN OO GUU LO KA GAARAY DOORASHADII IIRAAN KA DHACDAY JIMCIHII

Isbahaysiga Madaxweynaha Iiraan, Hassan Rouhani oo ah Isbedeldoon ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashadii ka dhacay Iiraan, iyadoo la filayo inay kuwada guuleystaan kuraasta Caasim adda Iiraan ee Tehran. Doorashadan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ahayd tii ugu horreys ay oo ka dhacda Iiraan tan iyo markii uu Xukuuma dda Tehran ay Heshiiska Xakameynta Nuclearka ahaa la saxiixatay Waddamada adduunka ugu quw adda weyn.

Shacabka Iiraan ayaa dooranayay xildhibaan ada Baarlamaanka dalkaas oo 290 xubnood ka ko oban, iyagoo sidoo kale soo door anayay golaha khuburada oo ah Golaha keliya ee Ga ari kara go’ aannada siyaas adda arrimaha dibadda Iiraan, kaa soo ka kooban 88xubnood. Wararka ayaa sheeg aya in laga yaabaa inay magacaabaan ninka bede li doona Ayatollah Ali Khamenei oo ah 76jir oo Gol ahaan muddo dheer soo maamulayay, kaasoo Caa fima adkiisa la sheegayo inuusan xilligaan Wana agsa nayn.

Musharraxa Kooxaha Mayalkaadag ee Wadd anka Iiraan, Ayatollah Taghi Mesbah Yazdi, ayaa guuldarro weyn kala kulmay Doorashada Isagoo meel hoose ku jira haatan kaga jira tirinta codadka doorashooyinkii Iiraan ka dhacay Jimcihii hore.

Ugu dambeyn, Xubnaha Isbedeldoonka ah ee ee Iiraan ayaa xoogga saaraya sidii ay Maalgashi shisheeye ugu heli lahaayeen Dalkooda, maada ama laga qaaday cunnoqabateyntii ay horay u saa reen Waddamada Reer Gaobeedka.

Si kasta ha ahaatee, dalka Iiraan oo ah Jamhu uriyad Islaami ah ayaa waxaa ka muuqanaysa xil ligan furfurnaan dhanka siyaasadda ah, iyadoo sha cabka Iiraan ay Muujinayaan Rajo ah in dalkooda ay ka dhacaan isbedello muuqda san. soo socda.

MUGABE OO 92JIRSADAY LANA SHEEGAY INUU YAHAY HOGAAMIYAHA UGU WEYN CAALAMKA

Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mug abe oo u dabaaldagay Sabtidii shalay 92sano gu uradiisii ayaa noqday Madaxweynaha ugu da’da weyn caalamka, iya doo xaflada dhalasha diisa oo la sheegay in uu ku baxay dhaqaa le badan lagu qa btay magaalada Masvingo oo ku taalla Koonf urba ri dalka Zimbabwe. Xafladda dabaaldagga Muga be ayaa waxaa ka qaybgalay kumannaan qof oo ka soo jeeda beelaha Bantu and Shona oo deega anno taariikhi ah ku leh Zimbabwe, iyadoo la shee gay in xafladdan ay ahayd middii ugu weynayd ee waddankaas ka dhacda sannadihii u dambeeyay.

Mugabe ayaa wuxuu cirka u diray 92 buufin, taasoo muujinaysa inuu da’ ahaan gaaray 92sano, waxaase si aad ah u dhaleeceeyay dabaaldagg aan qaar ka mid ah shacabka dalkaas, iyagoo ku til maamay mid aan habboonayn.

Boqorada Britain, Elizabeth ayaa ah Hoggaami yaha ugu da'da weyn Dunida, maadaama ay da'd eedu kor u dhaaftay 95sano, laakiin Mugabe ayaa la sheegay inuu Madaxweyne yahay oo uus an ah ayn boqor, sidaas awgeedna uu yahay madax weynaha ugu weyn Caalamka.

Dadka dhaleeceeya siyaasadda Mugabe ayaa sheegay in dhaqaalaha xafladda ku baxaya oo aad u badan ay ahayd in la siiyo dad badan oo Reer Zi mbabwe ah oo noloshoodu ay tahay mid aad u hooseysa, laguna soo beegay xuska dhalashadiisa xilli qaybo ka mid ah wadanka ay abaaro xooggan ka jiraan. "Goobaha ay Abaaraha xooggan ka jira an ayay ka mid tahay M/Masvingo oo la gu qaban ayo xafladda dabaaldagga dhalashada Mugabe,” ayay yiraahdeen dadka dhaleeceeya Mugabe, iyag oo intaas ku daray in Xafladdaan aysan ahayn mid xilligan oo kale ku haboon in lagu Zimbabwe.

Sidoo kale, Mugabe oo ay garabkiisa taagnayd xaaskiisa Grace Mugabe oo aad uga da’ yar sayg eeda ayaa hadal uu xafladda ka jeediyay ku dhal eeceeyay waddamada reer galbeedka, isa goo xus ay inay doonayaan inay dunida oo dhan ku qabs adaan wax yar oo gargaar ah oo ay siiy aan, balse taas innagu waanu diidnay.

"Innagu ma doonayno Gargaarka sandareerta da ah ee ay bixiyaan… waayo waa mid ay ku do on ayaan inay nagu qabsadaan,” ayuu yiri Mugabe oo sheegay inay ka deeqtoon yihiin shacabka Zimbab we gacanhoorsiga Reer Galbeedka. Mugabe ayaa tan iyo sanadkii 1980kii markii Zimbab we ay xorr iyada ka qaadatay Britain wuxuu ahaa Madaxweyn aha Dalkaas, iyadoo aysan jirin cid kale oo Xukun ka ku Qabsatay, Waxaana Reer Galbeedku ay ku tilmaamaan inuu yahay hoggaam iye kaligiitaliye ah.Ugu dambeyn, Madaxweynaha Zimbabwe, Rob ert Mugabe oo Sannadkii 2015ka ee lasoo dhaaf ay ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuuna Hoggaamiyeyaasha Afrika dhowr jeer ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan isku Filaasho ay kaga Kaafto omaan Gargaarada ay ka hela an dalalka calam ka.

SHARIIF XASAN OO KA HADLAY QARAXYADII BAYDHABO

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ay aa sheegay inay ka tacsiyeynayaan dhibaatada we erarkaasi uu geystay. Inaalillaahiwa inay ilaahi raaji cuun ayaan leenahay intii dhimanaty alle ha u nax ariisto intii ndhaawacanatay alle ha caafiyo ayuu yiri isagoo tilamaamay inay adag tahay in qof kula mid ah la iska ilaaliyo, kaas oo doonaya inuu nafti isa dilo. Anaga ka maamul anaan waan dadaaley naa caalamkana waan la kaashaneynaa sidii dad kaa dhaawaca ah wax looga qaban la haa ayuu yiri md. Shariif xasan oo sheegay in ay wax ka qaban ayaan dhibaatada shacabka loo ge ystay

Weerarkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday tiro dad ah oo 20 ka badan iyo dhaawac inta ka sii ba dan iyodoo al shabaab ay sheegatay qaraxyadaasi

C/WELI GAAS: SABABTA AANU 4.5KA U DIIDAYNO WAA IN SOMALIA AY KA GUDUBTO MEESHA AY JOOGTO

M/weynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa shee gay in Puntland aysan Wax dan ah ugu jirin in nida amka 4.5ka, isla markaana Puntland ay ogosha hay in lagu soo xulo Xildhibaannada soo socda ee Soomaaliya ay yeelanayso hab deegaan. C/weli Gaas oo u Warramayay VOAda, ayaa la weydi iyay su'aal ahayd waxa kallifay inuu kasoo horjees to in habka 4.5ka ah wax lagu soo doorto sannadk an, wuxuuna ku jawaabay.

"Sababuhu waa fara badan yihiin… Tan hore waa Soomaalidu inay horay ugu heshiisay in aan nidaamka 4.5ka ah wax lagu qaybsan waxaana heshiiskan lagu gaaray shirkii ay isugu isugu timid bishii, bishii December ee Sannadkii 2011kii ee Garoowe I, kaasoo micnihiisu ahaa inaan doora shadii sannadkii 2012kii, Wixii ka dambeeya aan wax lagu soo xuli karin nidaamka 4.5.”

Madaxweynaha Puntland oo sii sharraxayay arrintan ayaa sheegay in sidoo kale Dastuurka So malia Qodobbadiisa koowaad illaa shanaad, inay ku caddahay inaan wax kasta oo dhaca, xitaa ha ddii ay dhici waydo doorasho Qof iyo Cod ah in wax aan lagu soo xuli karin habka 45ka ah, ayna ugu dambeynayso 2012ka.

Gaas ayaa intaas ku daray in isagoo ah RW Somalia uu heshiiskaas saxiixay, isla Markaana uu dhankiisa ka saxiixay Madaxweynihii Somalia, She ekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo Guddoom iyihii hore ee Baarlamaankii KMGka ee Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

"Waxyaabaha aanu ka Fikirayno markaan leen nahay Deegaan wax ha lagu Qaybsado waxa weeye, xildhibaanka ka imaanaya degmada Luuq inuu ka fikiro iskuulka Luuq, shacabkuna ay noqd aan kuwo la xisaabtama xildibaanka oo ay yiraahd aan Afar sano ayaad xildhibaan nooga ahayd baarlamaanka ee maxaad keentay, Tan la doonayana waa in la helo Metelaad shacab oo dhab ah, tan aan ka hadlayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Gaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Nidaamka 4.5ka haddii uu sii socdo ays an jirin wax iska bedelaya sida uu hadda Dalku yahay, balse haddii laga gudbo, waxaan qabaa buu yiri in lagu tallaabsanayo horumarka Somalia in la gaarsiiyo la doonayo, Waayo caalamka oo dhan ma jirto meel awoodda lagu wadaago ama lagu qaysado qabiil iyo wixii la mid ah.

Madaxweyne Gaas ayaa la weydiiyay su’aal ahayd; Dad badan waxay leeyihiin, sababta ay Punt land ugu dheggen tahay in deegaan wax lagu soo xulo ay tahay inay u aragto midda ay ku heli kar to Sad ka badan midka Maamullada la midka ah ay helayaan, isagoo Su’aashaas kaga jawaab ay. Arrintaas marar badan ayaa la i weydiiyay… xit aa Ajaanibta noo imaanayay Arrintan way i weydiiy een… waxayna igu yiraahdeen waxaad ka hadl ayso ma tiraa mise waa Aaminaad, waxaana u she egay in waxa aan ka hadlayno ay tahay aaminaad ee aysan sadbursi ahayn,”

Isagoo hadalka wata ayuu xusay inaysan jirin wax Puntland ay ku helayso oo aysan Xamar, Kismaa yo iyo Baydhabo ku helayn. Laakiinse waxa ay do onayaan inay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5ka oo loo gudbo hannaan deegaan, si Somalia ay do wladnimo dhab ah gaarto oo meesha hadda la taa gan yahay laga gudbo. Su’aal kale oo la weydiiyay C/weli Gaas ayaa ahayd, mar la eego nidaamka wax qaybsiga, waxaa la leeyahay sidee ku doona ysaa Puntland inay Somalia ugu soo gudbiso nida am aysan iyaduba aysan qaadan, wxuuuna kaga jawaabay.

"Maya… taas waxba kama jiraan, baarlamaan ka Puntland wuxuu ku dhisan Hab Deegaan, wax aana lagu soo xulaa hab deegaan, haddaan tusa ale u soo qaato; Gobolka Mudug wuxuu leehayay 10 xildhibaan, Gobolka Nugaal wuxuu leeyahay sagaal xildhibaan, Gobolka Sool wuxuu leeyahay 17 xildhibaan, Gobolka Bari wuxuu leeyahay 21xil dhibaan, Qaababkaas ayaana lagu soo doortaan. Dabcan deegaannada qabiillo ayaa deggen, balse habka Puntland ay wax kusoo xulato waa qaab de egaan, sidaas ayayna xildhibaannadeedu ku yima adaan.”

Ugu dambeyn, Wareysiga Madaxweynaha Pu ntland C/weli Gaas oo dheeraa; ayaa Wuxuu inta badan Carrabka ku adkeynayay in sababaha ugu waaweyn ee ay u doonayaan in 4.5ka laga gudbo ay tahay in Soomaaliya ay u gudubto Dowladnimo dhab ah.

GUDDIGA FULINTA NUSOJ OO TAAGEERAY GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE XALLINTA KHILAAFAADKA

Shir degdeg ah oo ay guddiga fulinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ku qaateen xarunta dhexe ee ururka ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay Xoghayaha Guud Md. Maxamed Ibrahim ayaa waxa ay uga do odeen arrimo fara bad an oo ay ka mid yihiin qodobada soo socda:

Guddiga fulinta wax a ay si wadajir ah u soo dho weeyeen gu dd iga madaxabanaan ee Xallinta Khila afaadka oo iyagu isu xilqaamay sidii saxafiyiinta Soomaaliyeed loo samatabixin lahaa.,

Guddiga fulintu waxa ay soo dhoweeyeen go’a anka Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha oo ay kaga dhiidiyeen in qowleysato magacyadaas ugu adeegato, kuna dhibaateyso da dkii xaqa u lahaa in lagu metelo. Waxa uu sidoo ka le guddiga fulinta soo dhoweeyeen go’aanka gary aqaanka guud ee dowladda ee uu ku sheegay in xukunka maxkamadda sare uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka dalka iyos huruucda kale ee dalka, islamarkaana aanu dhaqangal noqon Karin, isagoosheegay in ay kaqaadanayaan dib u eegis.

Guddiga fulinta waxa uu cambaareeyay handada adaha joogtada ah ee ay suxufiyiinta Soomaaliy eed iyo hoggaanka ururka ku hayaan Horn Legal iyo QareenTahlil Haji, uguna baaqay in ay sida u gu dhakhsiyaha badan u joojiyaan handadaadaha ay ku hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, taasoo ah arrin Qatar ku ah xorriyadda hadalka iyo midda fikirka.

Guddiga fulinta waxa uu ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada ha warfaafinta iyo shaqada iyo shaqaalaha inay si sha rci ah uga hortagaan shakhsiyaadka dibad joogga ah oo ku soo hanaqaaday hanaankii fowdada ahaa ee dalka ka jiray, islamarkaana dalka isa ga soo no qonaya, iyagoo ujeedkoodu yahayi nay khalkhal geliyaan masiirka suxufiyiinta iyo kan shaqaalaha Soomaaliyeed. Guddigu waxa uu go’aamiyay in uu kala shaqeeyo guddiga xallinta khilaafaadka iyo Wasaaradda warfaafinta si loo qabto shirweyne gu ud oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed si xor ah ugu doortaan hoggaankooda NUSOJ.Guddiga fulinta waxa uu soo kale ca mbaareyn kulul u jeediyay Ho ggaanka Ururka Suxufiyiinta Adduunka (IFJ), Mr. Jim Bemoulha oo ah shakhsi ku bulaalay dhiigga saxafiyiinta Soomaaliyeed, ugana baaqay in uu far aha kala baxo far agelinta qaawan ee uu ku hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan ururada ka jira Barriga Afrika.

Guddiga sidoo kale waxa uu Xiriirka Ururada shaqaalaha ee madaxa banaan ee loo yaqaano (ITUC) ugu baaqayaa inay ixtiraamto rabitaanka saxafiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana hakiyaan lacagaha lagu baneysanayo dhiigga Suxufiyiinta iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed. Iyadoo uu tixgeli nayo in ay soo gebogebowday fowdadii uu kiciyey Cumar Faaruq, Guddiga Fulinta NUSOJ waxaa uu aad u bogaadiyey doorkii Saxafiyiinta Soomaaliye ed ay kaqaateen in ay jebiyaan habka Musu qmaas uqa iyo fowdada ku dhisnaa ee Cumar Faaruq uu ku doonayey in uu ku qalqal geliyo hog gaanka ur urka NUSOJ, islamarkaasns guddiga Fulinta wax aa uu bogaadiyey doorkii shariifka ah aa ee wasaar adda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiskaee Soo maaliya ay ka qaadatay ka hortaga dhibaatadaas uu dalka kula soo laabtay shaqsigaas fowdada ku sifoobay.

Ugu danbeyntii, guddiga Fulinta Ururka Qara n ka Saxafiyiinta Soomaaliyeedee NUSOJ waxaa uu hay’adaha Garsoorka Dalka ka codsaday in ay ka waantoobaan faragelinta madaxbanaanida hay’ adaha sharciga ah ee dalka kajira, islamarkaasna ku sifoobaan garsoor cadaalad ah oo hufan. Dhamaad

QOYS SOOMAALI KA KOOBNAA 5 RUUX OO KU GEER IYOODAY DAB KA KACAY GURIGOODA M/JEDDAH

Wararka ka imaanaya magaalada Jeddah ee dal ka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa sheeg aya in shan ruux oo isku qoys ahaa ay ku geeriyo odeen dab ka kacay gurigooda, xilli ay hurdayeen.

Dabkan ayaa ka dhashay AC ama Mukeef guriga ugu jiray, waxaana ay u geeriyoodeen qiiq ugu soo galay qolkooda, taasoo keentay in neefta ku xira nto, ayna waayeen wax Oksijiin ama Hawo.

Aabaha oo lagu magacaabo Faarax Abuukar Cali iyo hooyada oo lagu magacaabo Ayaan Cu mar Cabdullaahi iyo saddexda caruur kale ee ay dhaleen ayaa meydkooda waxaa la wareegay hey’ adaha baaritaanka, si ay u ogaadaan waxa saba bay dabka, inkastoo markii dambe ay cadaatay in aanay jirin cid ku lug laheyd, balse waxa dhacay ay ahaayeen qarax ka dhashay mukeefkii guriga ugu jiray.

Nuur Ugaas Maxamed oo u qaabilsan Qunsuliy adda Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga xirii rka Bulshada iyo Arrimaha dibada ayaa sheegay in dhacdadan ay aheyd qadar dhacday, isla marka ana aanay jirin cid mas’uul ka aheyn. "Shan qof oo ahaa aabe, hooyo iyo saddex canug ay dhaleen ayaa habeen hore, iyagoo nabad qaba markii ay seexdeen, waxaa shalay subaxdii hore ku qarxay mukeefkii guriga ugu jiray, iyagoo hurda, waxaana qiiqii ka dhashay uu ugu soo galay qolka, taas ayaana keentay in neefta isku xiranto iyo inay waayaan wax oksijiin ah”ayuu yiri Nuur Ugaas Maxamed oo la hadlayay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Faarax Abuukar uu u furmi waayay albaabka qolka, markii qiiq ugu soo galay qolka, waxaana uu xusay in saddexda canug ee ku dhimatay musiibadaas uu mid ka mid ah dhalay, halka labada canug kale ay haween eyda nin kale u soo dhashay. Aaskan Qoyskan So omaaliyeed ayaa lagu wad aa inuu dhowaan ka dhaco M/Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo goo bta uu shilkan ka dha cay ay aheyd X.AlJameeco.

MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KA NOQDAY TIRADII UU SHEEGAY IN CIIDANKA KENYA LOOGA DILAY WEERARKII CEELCADDE

Madaxweynaha JS, Xasan Sh.Maxamuud, ayaa waxaa uu beeniyay inuu daaha ka rogay tirada Ciid anka Militariga Kenya looga dilay weerarkii, 15kii bishii hore ee January, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xeradii Degmada Ceelcadde ay ku laha ayeen. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxwe yn aha Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu Madaxweynuhu ugala jeedin wareysi uu siiyay Telefishinka Somalicable, in Ciidanka Kenya weerar kaasi looga dilay 180200 oo askari, in ku dhow.

"Tirada Madaxweynaha ee 180200 ee uu ware ysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay walaalaheen Kenya weerarkii Ce elcadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilma amaa yay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas ku sugneyd saldhigga Ciidamada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka. Qoraalka, ayaa waxaa la gu sheegay in Madaxweynaha Somaliya iyo shac abkiisuba, ay ka go’an tahay in Ciidanka Kenya ku taageeraan hawlgalka ay ka wadaan gud aha Somaliya.

”Madaxweyne Xasan Sh. iyo shacabka Soo maa liyeed waxaa ka go’an in ay ku taageeraan wal aalahood Kenya hawlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah Ciidamada Amisom. Waxana aan la qaybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay argagaxisada ku soo qaadeen Ceelcadde.” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tod dobaadkii hore ka hadlay tallaabada uu madaxa u gu raaciyay xuskii Ciidanka Kenya loogu sameey ay Magaalada Eldoret Ee Galbeedka Wadanka Kenya, ayaa markaasi ka dhawaajiyay tirada uu she egay in askarta Kenya looga dilay weerarka Ce el cadde.

"Shisheeyaha dalalkooda waa ku dhintaan, uma na tagno, tacsi toodaana ma tagno, markii 180 a ma 200 in ku dhow oo wiil Somaliya loo soo diray, sababta loogu soo dirayna Somaliya inay na bad ka keenaan, ku saacidaan dadka Somaliyeed nabad inay hellaan ay ahayd hal subax in la dilo. Hawl caadi ah iyo dad ajaaniib ahaa dhintay maaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

JEN. TUURYARE: AMNIGA XAMAR WIXII HADDA KA DAMBEEYA WAXAA MAS’UUL KA AH MADAXDA GOBOLKA

Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya, Jen, C/rax maan Tuuryare ayaa shaaciyay in wixii Shalayka dambeeya ay Ammaanka Muqdisho ka yihiin mas ’uul xubnaha Hoggaanka Gobolka haya, wuxu una taliyuhu hadalkaan ka sheegay kulan looga hadla yay Amniga oo habeen hore ka dhacay Muqdisho.

Jen. Tuuryare ayaa intaas ku daray in shirkii Ammaanka looga hadlayay lagu Go’aamiyay in Amn iga Muqdihso la adkeeyo, lagana doonayo how shaas inay qabtaan ma’suuliyiinta ka taliya caa simadda, lagana caawiyo sugidda Ammaanka.

"Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adihiisa Amaanka ayaa Mas’uul ka ah wixii hadda ka dambeeya Amniga Muqdisho, waxaan ku wargelinayaa inaysan cidna ku halleyn Ammaanka Caasimadda, waxaana amniga Magaaladan loo su gayaa wixii hadda ka dabeeya sida Dunida looga dhaqmo oo kale,” ayuu ku daray hadalkiisa taliya ha Sirdoonka.

Sidoo kale, Jen. Tuuryare ayaa carabka ku dhuf tay in maamulka gobolka Banaadir ay kula Xis aabt ami doonaan wixii hadda ka dambeeya amniga Muqdisho, isagoo intaas ku daray in markii ho re uu meesha ka Maqnaa isku xirka Hay’adaha Amniga, Shacabka iyo Maamulka degmada, balse hadda la hagaajiyay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Taliyeyaasha Ciidamada Amniga Muqdisho la hoosgeyn doono Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Ba aadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale; ayna isaga ka Am arqaadan doonaan, isagoo Xusay in la isla gartay in maamul kasta oo ka jira dalka Amniga magaala diisa uu mas’uul ka noqdo.

Jen. Tuuryare ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya maamulka Gobolka Banaadir ay ka Ca awin doonaan Tababbarka Ciidamada iyo Qalabe yntooda, isagoo Hoostakaxariiqay inay Howshoo du noqon doonto inay aadaan furmiha dagaalka.

"Taliye Nabadsugid iyo mid Booliisba waxay hadda ka dib raacdeyn doonaan cid walba oo cadow ah, waxaan aadi doonnaa Degmada Saakow iyo Meel aha ay Alshabaab weli joogto. Amniga Gob olkan Mas’uuliyiintiisa ayaa la weydiin doonaa, Ciidama da Nabadsugidda ee aan bannaanka ugu taloga lnay ayaa la howlgelinayaa, waxayna la shaq eyn ayaan ciidanka millateriga.Magaaladaan Xamar da dkeeda ayaa ka shaqeyn doonaa, Shaqadana waa la kala saari doonaa,” ayuu mar kale yiri Jen. Tuuryare.

Ugu dambeyn, Go’aankaan ayaa imaanaya iya doo Habeen ka hor ay Muqdisho ka dhaceen Qara xyo iyo weerar toos ah oo ay ku dhinteen in ka ba dan 30ruux, in ka badan 60ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas'uuliyadda weerark aas oo lagu beegsaday Hoteel SYL sheeg atay Alshabaab.

HILARY CLINTON OO KUGUULEYSATAY DOORASHADA SOUTH CAROLINA

Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay doorashada South Carolina ee tijaabada ah ee xisbigeeda Dimoqraadiga Sebtidii shalay. Hillary ayaa codad ka ugu badan ka heshay dadka madowga ah. Guu shaan ayaa ay soo hoysay ayadoo Talaadadana la filayo doorasho kale oo tijaabo ah waa ma alinta lagu magacaabo 'Super Tuesday'. Saddex maalm ood oo qura ayumbaa doorashadaa ka har san qabashadeeda.

Hillary Clinton ayaa kaga adkaatay doorashadii shalay Bernie Sanders ayadoo gobolkaa ay ku no ol yihiin dadyow asal ahaan kala duwan taasoo muujisay in ay kujirto isbaheysi sal ballaaran.

Talaadada ayaa waxaa la filayaa inay so hoyso guulo fara badan oo kale ayadoo ilaa 11 gobol laga codeyn doono.

MIDOWGA YURUB OO SHAACISAY INAY DHIMAYO DHAQAALAHA AY SIIYO CIIDAMADA AMISOM.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska Midowga Yurub ayaa looga hadlay weerarkii AlShab aab masuuliyadiisa ay sheegteen oo habeen ka hore ka dhacay magaalada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarkii hab een hore ka dhacay magaalada Muqdisho uu ah aa mid lagu bartilmaameydsaday dadka aan waxba galabsan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka Midowga Yurub ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkooda ku waayay weerar kii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana caafim aad loogu baryay dadka ku dhaawacmay wee rar kaasi.

Midowga Yurub ayaa sheegtay iney ka go’an ta hay taageerada ay siinayaan dowlada Soomaa liya, iyadoo loogu baaqay dowlada Soomaaliya, ciida mada midowga Afrika ee AMISOM iyo dhama an bulshada caalamka iney u midoobaan dagaalka AlShabaab.Dhanka kale Midowga Yurub ayaa balanqaaday iney gacan weyn ka geysan doonaan dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soom aaliya, iyadoo Midowga Yurub shalay uu shaaciyay inuu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo ciidamada AMISOM ee Soom aaliya jooga.

KENYA IYO ISRAEL OO KU HESHIIYAY LA DAGAALANKA ALSHABAAB.

Dowladaha Kenya iyo Israel ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan dagaalka Alshabaab, kadib markii uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isbuucii hore booqday dalkaasi. Wararka laga he la ayo Diplomaasiyiin ku sugan M/Nairobi ayaa u she egay Wargeyska The East Africa in Madaxda Kenya iyo Israel isla garteen qaabka ay Israel uga taa geeri lahaayeen Kenya dagaalka AlShabaab oo iyagu dhowr jeer weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya.

The East Africa ayaa qoray inay Israel horey uga qeyb galeen Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha lo ogu yeero Argagixisadda ee Gobalka, tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyaddii lala beegsaday Hotel ka Paradise oo ku yaalla M/Mombasa sannadkii 2002dii. Sarkaal ka tirsan Israel u jooga Kenya, Na dav Peldman ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan Kenya iyo dalalka kale ee ka cod saday in laga taageero Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshabaab

RAG SHABAAB AH OO KISMAAYO LAGU DILAY IYO HUB LAGA QABSADAY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaara ya M/Kismaayo, Saddex nin oo Shabaab ka tir san, ayaa lagu dilay M/Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ammaanka. Xaafada Via Afmado ow, ayaa la sheegay in raggaan Shabaabka ka tirsan lagu dilay, xilli halkaasi ay ku weerareen Sar kaal ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada ilaa lada u ahaa Sarkaalkaasi inay iska caabiyeen Sha baabka oo ay toogteen 3dooda sida Saraakiisha ay inoo xaqiijiyeen

Dhinaca kale ciidamada Jubbaland, gaar ahaan ciidanka ka howlgala Garoonka Diyaaradaha ee M/Kismaayo, ayaa gacanta ku dhigay labo qori oo nooca Ak47 ah oo Shabaabka ay ka carareen. Tali yaha ammaanka Garoonka Kismaayo Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow, ayaa sheegay Shabaabka habeen hore inay madaafiic ku soo tuureen Nawaaxi ga Garoonka Kismaayo, ciidamadana arin taasi ay jawaab ka bixiyeen.

Wuxuu sheegay sshalay subaxdii inay ku dheel madeen raadadka halkii Shabaabka ay ka soo tu ureen madafiicda ayna ka soo qaateen labo qori oo Shabaab ay halkaasi uga carareen. Shabaab ilaa hadda kama aysan hadlin raggaan la sheegay in looga dilay gudaha M/Kismaayo iyo hubkaan qorya ha ah ee laga qabsaday Shabaabka.

TARSAN "WAA MAS’UULIYAD LAGA CARARAYO IN AMNIGA MUQDISHO LAGU WAREEJIYO GOBOLKA BANAADIR”

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dhaliilay qaabkii Gobolka Ban aadir loogu wareejiyay Amniga Caasimada, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aan dastuuri ah eyn.

Tarsan oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in aanay is qabin karin in Hey’addaha Amniga ay wareejiyaan Mas’uuliyadii saarneyd iyo inay awooda heystaan, taasoo uu ku tilmaamay in aanay aheyn arrin socon karto.

"Arintaas Dastuuri ma ahan, dariiq loo soo maray oo sharci ah ma ahan, waxay rabaan Mas’uuliyad dii saarneyd ayay Hey’adaha Amniga iska wareejin ayaan, waxayna rabaan inay awoodiina ay he ista an, arrintaasna ma ahan mid socon karto”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Mr Tarsan ayaa cadeeyay in G/Banaadir aanu xilligan u diyaarsaneyn dhinaca Amniga, isla mark aana go’aanka la gaaray uu yahay mid si fudud loo gaaray. "G/Banaadir uma diyaarsana, Guddoo miya heedana uma diyaarsana, nin amni ma ahan, wa xay u muuqataa arrin Mas’uuliyadeeda laga farxal anaya ee la rabo in Mas’uuliyada Amniga Umadan in meel kale loo saaro, Amniga Qaranka waxaa Ma s’uul ka ah Hey’adaha Amniga, ayada loo tababar ay, loo maalgeliyay, loona qalabe eyay, marka inay dhanaan si fudud isaga wareejineynaa markii dho wr fashil dhacay, waxay la tah ay inay dhahaan an aga yaa nala weydiin, wixii dhaca, waa fakasho Ma s’uuliyad lagala carara yo”ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa kula taliyay Mas’uuliyiinta Hey’ad aha ammaanka in haddii ay rabaan inay Mas’uuli yada amniga wareejiyaan inay istiqaalad dhiibaan oo ay is casilaan.

"Dalka oo dhan kama shaqeeyo, Hey’adaha Amniga meesha ay joogaan oo ay ku howl galaan waa Muqdisho, markii haduu shalaydhaho Muqdi sho ka tagayaa, gobol kalena aadayaa waa Soc on waayay aan roorno waaye”ayuu yiri Tarsan.

Mar la weydiiyay in xilligii uu xilka hayay inuu dalbaday in Laamaha Amniga G/Banaadir la hoos keeno ayuu xusay inuu horay u rabay in wada sha qeyn dhanka Amniga lagala shaqeeyo, balse Wasiirkii Amniga ee xilligaas iyo Taliyeyaashii Ciidamad a ay u qaateen in awoodooda uu la ware egayo.

"Aniga waxaa rabay wada shaqeyn, waxaa la’aa wax ila shaqeeyo, wax si joogto ah amniga ila gar abtaagnaa ma jirin, marka dhahay aan wada shaq eyno ayay ii qaateen inaan shaqadooda qaa dana yo, waxay i hordhigeen caqabado fara badan, Was iirkii Amniga iyo Taliyeyaashii Amniga wax ay is dhaheen ninkan awoodeena ayuu rabaa inuu qaa to, anigana waxaa dalbayay inaan wada shaqeyno Amniga magaalada ka wada shaqeyno”ayuu had alkiisa sii raaciyay Tarsan.

Waxaa uu sheegay in haddii degmo kasta amn igeeda si gooni u sugan lahaayeen ay M/Muq disho amni noqon laheyn, waxaana uu xusay in loo ba ahan yahay in bulshada degmo kasta amn iga lag ala shaqeeyo, hase ahaatee la doonayo in Mas’uu liyad laga cararayo, hadhowna meel kale loo saar iyo wixii dhaca. "Degmo kasta hadii amnigeeda go oni u sugan xamar amni ma noqon karo, degmada waxaa laga rabaa inay bulshada abaabusho am niga lagala shaqeeyo, laakiin haddii la dhaho wax aa ku wareejinay gud/Gobolka Amniga Magaalada, waa mas’uuliyad laga cararayo oo hadhow la rabo in mas’uuliyada meel kale loo raacdo, sababtoo ah gobolka xirfadii ma lahan, sird oonki ma lahan, wa xa dagaalamaya waa Sirdoon, ma jirto ciidan is hor fadhiya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ka soo yeeray Tarsan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Taliyaha Hey’adda Nabadsug ida Qaranka uu sheegay in Mas’uuliyada Amniga Muqdisho lagu wareejiyay G/Banaadir, isla marka ana wixii hadda ka dambeeya Mas’uuliyad ka saar an tahay, lagula xisaabtamayo.

KENYA OO SOO IIBSANEYSA DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA LAHEYN EE DRONESKA

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay soo iibsan eyso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax basaasa ee loo yaqaan droneska, kuwaasoo ma gacooda la yiraahdo Boeing Scan Eagle.

Shaqooyinka ugu waaweyn ee ay qabanayaan

waxa weeye in ay soo basaasaan oo ay soo ishaafalateeyaan bartilmaameedyo mucayin oo ay Shabaabku leeyihiin iyo ilaalinta dhaqdhaqaaqy ada xuduudda gaar ahaan tan Kenya ay la wadaa gto Somalia .

Dhererka baalasha Scan eagles qiyaastii waa 3.1 mitir laakiin dhererkeeda caadiga ah intaa wuu ka gaaban yahay oo waa 1.19 mitir, sidoo kale wax aa uu culeyskeeda la eg yahay 18 KG oo kaliya, Xawaaraha orodkeedu waa 150 KM saacadiiba .

Droneska Scan eagle waxa ay hawada ku jiri kar taa oo ay duulimaad toos ah sameyn kartaa 20 sa acadood, joogga sare kolka ay ku duuleyso waxa ay gaari kartaa 4876 mitir.

Waxaa sidoo kale diyaardan ku xiran kamarooyin duuba muuqaal sare oo tayo leh habeen iyo ma alinba.

Meelaha droneskan horey looga adeegsaday waxaaa ka mid ah dalka Chad oo ciidamada Ameerikaanku ay u adeegsadeen in ay ku ogaadaan goo bihii ay Boko Xaraam ku ku heysteen gab dho bad an oo ay ka afduubeen Nigeria . Saldhigga joogt ada ah ee ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeya hay qaaradda Afrika ee lagu magacaabo Camp Le monier oo ku yaalla Djibouti waxaa diya aradaha drones bil kaliya ay fuliyeen 250 jeer oo duqeyn cirka ah oo ay ku qaadeen Alqaacidda iyo Alshabaab.

Diyaaradaha droneska ee ay Kenya soo iibsan eyso waxaa la filayaa in ay ugu danbeyn yimaad aan bisha September .Kenya iyo Cameroon ayaa ah wadamada kaliya ee dalbaday Scan Eagleska.

Mareynkanka ayaa si weyn ugu isticmaalay diyaa rdaha Droneska Soomaaliya tan iyo soo bixitaan kii Maxkamadihii Islaamiga waxana ay horey ugu adeegsadeen dilalka hogaamiyayaal ka tirsan Alshabaab.

WASIIRKA AMNIGA OO KA CODSADAY BAARLAMAANKA INAY MEEL MARIYAAN SHARCIGA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Md.Cabdirisaaq Cumar Axmed ayaa baarlamaan ka ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la da gaallanka argagixisada, si looga hortagop dha garta ay maleegayaan argagixisada AlShabaab. Md. Cabdirisaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa til maamay in sharciga la dagaallanlka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaalad da la meel mariyo, si ciidamada ay awood buuxdo ugu yeeshaan ciriibtirka AlShabaab.

"BF ah ee Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ay meel mariyaan shar ciga la dagaallanka arga gix isada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cada aladda” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidamada ay dabranyihiin dhankasta, loona baahanyahay in baa rlamaanku uu meel mariyo sharciga la dagaa llanka argagixisada, si ciidamada ay u gutaan waaj ibaa dka loo idmaday.

GUDDOOMIYE JAWAARI "MAS’UULIYADDA AMMAAN KA WAA WAAJIB SAARAN MUWAADIN KASTA, MA AHAN KALIYA CIIDAMMADA "

Gud.BFS.Md."Jawaari” ayaa tacsi u diray shaca bka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yee loobeen qaraxyada ay argigixisadu ka geysatay M/ Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. "INAA LILA AHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo hora an waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro shacabka ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerar rada argigixisanimo ee ka dhacay M/Baydhabo run tii waa ficil sheydaan oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka waana ficil Alle ka fog aansho midka ugu xun in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan la laayo oo dhiigooda la daa diyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay GBFS.Md"Jawaari ”.

"Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay argigixisada ka sameeyaan Soomaaliya sida ma gaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa barti lmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isu gu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay argigixisada uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciida mmada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amni ga, waana waajib muqadas ah oo saaran qof wa lba oo Soomaali ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoom iye Jawaari. Waa Sidu Hadalka U Yiriye

20 QOF OO KU DHIMATAY QARAXYADII KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABO

Laba qarax oo middi uu ismiidaamin ahaa, ayaa shalay galab lagu weeraray 2ba maqaaxi oo ku yaala Bartamaha M/Baydhabo Ee Xarunta G/Baay.

Maqaaxiyadaha la weeraray oo ku yaala Afar Irdo odka Baydhabo, ayaa aad loo fadhistaa xilliyada ga bihii, waxaana shalay mid ka mid ah ka socotay ciyaar ka tirsaneydd Horyaalka Ingiriiska (Premi er League).

Ujeedada loo weeraray maqaaxiyadaha, ayaa waxay Suxufiyiinta ku sheegeen in lagu bartilma ameydsanaayay Wasiiro iyo Saraakiil M/mulka K/ Galbeed ka tirsan. Wasiir Ku Xigeenkii Malee shiy ada & Hub Ka Dhigista M/mulka K/ Galbeed, ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay qaraxya daasi.

Ugu yaraan 20 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka 48 kalana ay dhaawacantay, waxaana suurtagal ah in khasaaraha dhimashada uu intaa ka bato, maadaama ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.M/mulka K/Galbeed weli war bixin kama aanu soo saarin weerarada shalay ka dhacay Xarunta Kmg gaarka ah ee M/mulkaasi, balse waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socdo uu ka hadlo.

Dhanka kale Ciidanka Nabad Suggida & Boolis ka M/Baydhabo, ayaa waxay wadaan hawlgal ka dhan ah halka laga soo abaabulay l2daasi qarax.

Shacabka ku dhaqan M/Baydhabo, ayaa waxay si wayn u hadalhayaan weerarada uu dhiigga bad ani ku daatay, ee maleeshiyada Al Shabaab ka gaysa tay Magaaladaasi. Weeraradan, ayaa wa xay ku soo beegmayaan, xilli muddooyinkii ugu dambeys ay ay xaalad deganaansho ah ka jirtay Xa runta Gobolka Baay.

Qaraxyadan, ayaa niyad jab hor leh ku ah shacabka Somaliyeed, maadaama hal habeen ka horu un ay ahayd markii weerar kale oo in ka badan 20 ruux lagu dilay uu ka dhacay Magaalada Muqd isho. Baay

 

   OGEYSIIS OGEYSIIS  OGEYSIIS    



OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA

UNICEF

INVITATION TO BID (ITB)

LITBS-2016 9123516                                                                                                                                   17 February,2016

 

UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)

Wishes to Purchase:

Construction of Classrooms under Educate-a-Child (EAC) Project for {UNICEF-

Somali,South Central,Somalia

[SEALED] offers should be sent to physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia

LITBS-2016 9123516

Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)

Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange

security clearance and access to the UNICEF compound.

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya

LITBS-2016 9123516

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

Please coll +254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

the reference LITBS- 2016 9123516 must be shown on the envelope containing the offer.

Bid form and schedule (s) must be used when replying to this invitation. you are welcome to enclose

your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.

offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30

pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids received after the stipulated

date and time will be invalidated.

It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure that you understand

UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to

provide compllant offers may result in invalidation of your bid.

PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOUMENTS FROM THE OFFICES INDICATED

ABOVE

(GIORGIO FIGUS)

(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS

E-mail:gfigus@unicef.org Telephone: +254 719 192 945

NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.

There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.

Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.

LOT 1 - BELET WEYNE

LOT 2 - MARKA

LOT 3 – WARSHEIKH

LOT 4 - JOWHAR

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip