Wasiir ku xigeenka dhalinyaradda oo ku eedeeyay Wasiirka Wasaaradda Musuq maasuq

0
Thursday December 19, 2019 - 20:46:38 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ku xigeenka dhalinyaradda oo ku eedeeyay Wasiirka Wasaaradda Musuq maasuq

    Wasiirk ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in dhaqaallihii loogu tala galay Wasaaradda ay Musuq maasuqday Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye. Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirk ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in dhaqaallihii loogu tala galay Wasaaradda ay Musuq maasuqday Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye. Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in Wasiir Khadiijo ay hor istaagtay in la hormariyo Wasaaradda, taas badalkeeda Ra'iisul Wasaaraha ay ku mashquuliso Ammaan. Waxaa uu sheegay in dhalinyaradda Soomaaliyeed oo dhan 70% Ra'iisul Wasaare Kheyre uu ka doortay kaliyah Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye. Axmed Cumar Islow ayaa wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ku eedeeyey inay musuq-maasuqday dhammaan lacagihii wasaaradda ee loogu talo-galay in wax loogu qabto dhallinyarada, oo aysan jirin wax waxtar leh oo dhallinyarada dalka loo qabtay. Ra'iisul Wasaare Kheyre ayuu ugu baaqay in uu il gaar ah ku eego Wasaaradda oo uu keeno Wasiir u qalma,Maadaama Wasiirka hadda jooggo aysan ogoleyn wax horumar ah. Waxaa uu sheegay in Kheyre uusan dooran Ammaanta Wasiir Khadiijo ay ku dhacday Hantidii Wasaaradda ee loogu tala galay dhalinyaradda taa badalkeeda loo baahan yahay isbedel. Axmed Cumar Islow ayaa ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda tan iyo markii lasoo dhisay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip