SAWIRO:-Madaxweynaha Soomaaliland oo qaabiley Wafdi ka socda Beesha Caalamka

0
Thursday December 19, 2019 - 20:44:51 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Madaxweynaha Soomaaliland oo qaabiley Wafdi ka socda Beesha Caalamka

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez. Kulan ay yeesheen ayaa waxaa lagaga wada hadla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez. Kulan ay yeesheen ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland. Ugu danbayn Madaxweynaha Somaliland wuxuu u sheegay wefdiga inay xukuumadda ka go'an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Dhinaca wefdiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip