C/Xakiin Dhoobo Daareed oo sheegay in Puntland Gacanta u gashay Kaligii Taliye

0
Thursday December 19, 2019 - 10:33:21 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Xakiin Dhoobo Daareed oo sheegay in Puntland Gacanta u gashay Kaligii Taliye

    Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey,isaga oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas. Wareysi uu siiyey Tv-ga Univer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey,isaga oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas. Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal ayuu ku sheegay in Puntland ay xiligaan Gacanta u gashay kaligii Taliye,sidoo kalena Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ay Maslaxadii Ummadda ka doorteen Lacag iyo laaluush sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo sii hadlayey ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ku socoto wadadii bur burka hadii wax laga qabana arintaasi ay Dadka uu matalo ka tashan doonaan Aayahooda. Mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Saddex Beelood kaliya ay isku koobeen Hoggaaminta Maamulka Puntland. 17-kii Bishii November ee sanadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay xilkii Guddoomiyenimo ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed,iyaga oo ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Puntland. Wareysigaasi oo dheer oo uu kaga hadlayo arimo kala duwan waxaad Caawa ka Daawan doontaan Tvga Universal Saacadu marka ay tahay 7da Fiidnimo ee Xiliga Geeska Africa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip