Ra'iisal Wasaarayaal hore oo ka qeyb galay soo dhoweynta shaqsi magac weyn ku leh Isboortiga Soomaaliya Dr. Cali Cusmaan

0
Saturday November 30, 2019 - 14:16:15 in Wararka by
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaarayaal hore oo ka qeyb galay soo dhoweynta shaqsi magac weyn ku leh Isboortiga Soomaaliya Dr. Cali Cusmaan

    Waxaa loo Sameeyey Soo dhoweeyn middii ugu heer sareeysay ee lagu soo dhoweeyo shaqsi usoo halgamay qaranka Soomaaiya dhinaca ciyaaraha Dr,Cali Cusmaan Cali oo tababare usoo noqday Xulkii kubadda koleyga ee Wiila iyo Gabdho sisoo kalena ahaa xoghayih

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa loo Sameeyey Soo dhoweeyn middii ugu heer sareeysay ee lagu soo dhoweeyo shaqsi usoo halgamay qaranka Soomaaiya dhinaca ciyaaraha Dr,Cali Cusmaan Cali oo tababare usoo noqday Xulkii kubadda koleyga ee Wiila iyo Gabdho sisoo kalena ahaa xoghayihii guddiga olombikada Soomaaiyeed ee GOS. DR Cali oo dhaq dhaqaaqa Sportiga sidoo kale ka waday dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Atlanta e Mareyka ayaa waxaa soo dhoweyntiisa usoo xaadirtey inta badan bahdii Sportiga ee beri samaadkii hadii ay noqn lahaayeen Ciyaaryahano, tababarayaal, maamulayaal garsoor iyo taageerayaal, waxaa sidoo kale kamid ahaa dadka xaadirka ahaa, labo masuul oo bahda Sportiga ka mid ahaa sidoo kalena soo noqday Reysul-wasaarayaal.


Zrof Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo reysul wasaarayaal kasoo noqdey dalka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin in Dr cali Osmaan oo qaranka usoo shaqeeyey uu markale dalka kusoo laabto, wuxuuna tusaalle fiican u yahay beey yiraahdeen in bahda kale ee qurbaha jirta ay dalkooda kusoo laabtaan.

"Dr Cali waxaanu ahayn isku jaamacad sidoo kale isku School, waxaan ogahay inuu ahaa nin daacad ah nadiif ah oo aan ku xusuusto kaaintiisa horumarinta ciyaaraha dalka aad ayaan ugu soo dhoweynayaa dalka sababtoo ah weli qaranka ayaa u baahan” ayuu madasha ka yiri Prof Cali Maxamed Geeddi.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda kolleyga Cabdullaahi Nuur maxamed (caddaani) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyey Dr Cali Osmaan oo uu sheegay inuu ahaa shaqsigii ku garabsiiyey inuu Kubadda koleyga ka noqdo garsoore ilaa uu gudoomiye ka gaaro, wuxuuna ballan qaaday in xiriirka kubadda koleyga Dr-Cali ku maamuusi doono Ciyaar kubadda koleyga oo ka dhici doonta garoon Wiish ex Lugino.

Sucaad Cabdullaahi Gallow oo kamid ahaan jirtey kooxihii dalka iyo Xulka Qaranka koleyga iminkana Gabdhaha Xulka tababare u ah,ayaa aad uga sheekeysay Dr-cali kaaintii uu ku lahaa horumarinta Ciyaaraha sidoo kale ku tilmaantay inuu ahaa shaqsi u Xaq soora dhamaan ciyaaryahanadii uu soo tababari jire heer naadi iyo heer Qaran.

"Dr Cali intaa kuma ekaan ee markii u tegey Qurbaha wuxuu sii waday horumarinta ciyaaraha isagoo soo saaray ciyaaryahano da’yar oo Soomaai ah oo Atlanta ku meteleysay tartamada ka dhaca North America, dhabtii waa shaqsi wax dhaqaale ah ka dooneyn Sportiga isla markaana ah Aqoon yahay dhinaca Dhaqaalaha ka baxay” ayey tiri Mss Gallow.

Dhamaan Dadkii Magaca lahaa ee goobta ka hadlay ayaa DR Cali Cismaan ku amaanay kaaintiisa horumarineed ee ciyaaraha dalka iyagoo u rajeeyey in weli dalku u baahan yahay oo kaalintiisa ka qaato mar kale.

Dr Calu Cismaan Cali oo ugu danbeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey Milkiilaha Hotel maka A Mukarama ee soo agaasimey Munaasabadan Soo dhoweynta iyo guud ahaan bahdii Sportiga ee goob jooga u ahayd isagoo ka shekeeyey dhaq dhaqaaqii soo nooleynta Sportiga bur burkii kadib iyo doorkii ay ku lahaayeen Rag uu isaga kamid ahaa iyo qaar kale oo uu xusey qaarkood ay geeriyoodeen qaarna ay iminka nool yihiin kuwaa oo uu ku taliyey in laga tusaalle qaato.

Dr-ka ayaa ugu danbeyntii ballan qaaday in bulshada Soomaaiyeed dhinaca Sportiga iyo Dhanka Bulshadaba uu diyaar u yahay inta noloshiisa ka dhiman inuu u shaqeeyo shacabkiisa Soomaaiyeed waxay musaabadda kusoo idlaatay jawi is marxabeyn iyo is jaceeyl ku saabsaneyd.

           

C/Xafiid C/Samad Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip