Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland oo sheegay in uu iscasilaayo

0
Monday September 28, 2015 - 11:01:59 in Wararka by
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland oo sheegay in uu iscasilaayo

    Taliyaha guud ee ciidamada Maamulka Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi (SiciidDheere), ayaa ku hanjabay in uu iscasilaayo, hadii aanan la bixin Mushaaraadka ciidamada Maamulka Puntland oo dhowr bilood uu ka maqan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha guud ee ciidamada Maamulka Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi (SiciidDheere), ayaa ku hanjabay in uu iscasilaayo, hadii aanan la bixin Mushaaraadka ciidamada Maamulka Puntland oo dhowr bilood uu ka maqan yahay.

Siciid Dheere oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha deeganada Maamulka Puntland, ayaa ku goodiyay hadii Maamulka Puntland uu bixin waayo mushaaraadka ciidamada in uu shaqada ka tagaayo, maadaama Askariga u shaqeeya maamulka uu leeyahay xuquuq, ayna haboon tahay bil waliba in la siiyo xuquuqda uu leeyahay.

Taliyaha ciidamada Maamulka Puntland Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) waxa uu sheegay in aanan loo dul qaadan karin Madaxda Maamulka Puntland inay Warbaahinta ka sheegaan inuusan maqneyn mushaarka ciidamada, balse xaqiiqda jirta ay tahay ciidamada inaysan qaadan wax mushaar ah.

"Ninka askariga ah ee shaqeynaya, difaaca ku jira waxa uu u baahan yahay inuu helo mushaarkiisa markii ay bisha dhamaato, hadii uu weynaayo waa in sabab loo yeelaa, madaxda markii ay hadleyso waxay dhahaan mushaar waa la siiyaa, aniga ayaa taliyaha ciidamada Puntland ah, waxaan cadeynayaa in wax mushaar ah aan lasiin ciidamada, muddo badan ma aanay qaadan wax mushaar ah, waxaaba noogu daran mas’uuliyiinta dowladda markii ay Idaacadaha ka hadlaan ciidamadii waxay na leeyihiin idinkaa qaata lacagta, meel kama dambeys ah ayeey hadda naga joogtaa waa in ciidanka Mushaarkiisa la bixiyaa.”

Taliyaha ciidamada Maamulka Puntland ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay "Hadii askariga uu gaajoonayo aniga taliye ma ahaanayo oo waan is casilayaa, intaan samri karo waan sabray, waxa iga hadlinaya waa arrin la qarin waayay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa dhawaanahan waxa ay sameynayeen gadood ku aadan inaysan helin mushaaraadka ay xaqa ugu lahaayeen Maamulka, waxaana ciidamada dhowr mar ay la wareegeen Xarumo Dowladeed oo ku yaallo Gaalkacyo, Xarfo iyo deegaano kale oo Puntland ay ka arimiso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa lagu eedeynayaa masuuliyada ah inuusan bixin mushaaraadka ciidamada Maamulkaasi.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip