Ra'iisal Wasaaraha Britain oo shaaca ka qaaday in ciidan uu u diraayo Somaliya

0
Monday September 28, 2015 - 10:09:34 in Wararka by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha Britain oo shaaca ka qaaday in ciidan uu u diraayo Somaliya

    Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Britain ay ciidan u dirayso dalalka Somaliya iyo South Sudan, si ay kaga qayb qaataan arrimaha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Britain ay ciidan u dirayso dalalka Somaliya iyo South Sudan, si ay kaga qayb qaataan arrimaha ammaanka.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sheegay in Ciidamada Britain ay caawin doonaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, iyadoona uu qorshuhu yahay in la soo afjaro Ururka Al Shabaab.

War Saxaafadeed uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha, ayaa lagu sheegay in 370 askari oo ka socda Britain, ay gacan ka gaysan doonaan sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka labadaasi dal.

War Saxaafadeedka waxaa lagu xusay in tani qayb ka noqon doonto xoojinta Ciidanka Amisom, oo Dowladda Federalka Somaliya ka caawinaya suggida ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Britain waxa sidoo kale ay Somaliya u diri doontaa khuburo xagga ammaanka ah, oo horseedi kara in Ciidanka Amisom ay hantaan ammaanka dhulka laga saarayo Ururka Al Shabaab.

David Cameron

David Cameron, ayaa qorshaha cusub Britain ee Somaliya iyo South Sudan maanta kaga dhawaaqi doono, shirka Golaha Ammaanka ee maanta ka dhacaaya Magaalada New York.

Ciidamada Britain, ayaa waxay Ciidanka Nabad Ilaalinta u fidin doonaan tababaro, bixinta saadka iyo sahayda, si horey loogu dhaqaajiyo hawlgaladooda.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli Ururka Al Shabaab uu dib ula wareegay goobo badan oo ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose, dibna ay kaga soo gurteen Ciidanka Amisom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip