Afar nin iyo hubkii ay wateen oo laga dhex qabtay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

0
Sunday September 27, 2015 - 09:56:05 in Wararka by
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar nin iyo hubkii ay wateen oo laga dhex qabtay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

    Ciidamada Booliska ee ka howlgala Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa soo qabtay afar ruux iyo hub ay wateen, kadib howlgal amni sugid ah oo ay la socoto macluumaad ciidamada la soo gaarsiiyay ay ka sameeyeen Xerada weyn ee Qaxootiga Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa soo qabtay afar ruux iyo hub ay wateen, kadib howlgal amni sugid ah oo ay la socoto macluumaad ciidamada la soo gaarsiiyay ay ka sameeyeen Xerada weyn ee Qaxootiga Dhadhaab.

Howlgalkan ciidamada ay sameeyeen, ayaa waxaa lagu soo qabtay afar ruux iyo saddex Qori oo nooca Ak 47 ah, sida uu xaqiijiyay Taliyaha ciidamada Booliska Xeryaha Dhadhaab Raphael Kimilu.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalka sameeyay, kadib markii qaar ka mid ah shacabka Xerada ay ku soo wargeliyeen inay jiraan rag hubaysan oo ku dhuumaaleysanaya Xeryaha Dhadhaab gudaheeda.

Raphael Kimilu, Taliyaha Booliska Xeryaha Dhadhaab waxa uu sheegay ciidamada ammaanka inay ku guuleysteen soo qabashada raggaasi, iyadoo uusan dhicin dagaal si xeeladeysana ciidamada ay u soo qabteen.

Waxa uu intaasi warkiisa ku daray raggan kolkii ay soo qabanayeen inay ku soo qabteen saddex Qori oo nooca Ak 47 ah iyo sidoo kale rasaas ay isticmaalayeen raggaasi.

Magacyada dadka la tuhunsan yahay ee la qabtay ayaa lagu kala sheegay Hassan Mukhtaar Cabdi,Qadar Xareed Aadan, Xareed Cabdi Maxamed iyo Ibrahim Maxamed Dhaqane.

Dhamaan raggaan waxa ay ku xiran yihiin Saldhiga ciidamada Booliska ee Xeryaha Dhadhaab, halkaasi oo lagu baarayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip