Maamulka gobolka Sh/dhexe oo xoojiyay ka hortagga fatahaada wabiga Shabelle (Sawiro)

0
Saturday September 26, 2015 - 18:23:11 in Wararka by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka gobolka Sh/dhexe oo xoojiyay ka hortagga fatahaada wabiga Shabelle (Sawiro)

    Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay qorshooyin loogaga hortagayo fatahaada wabiga Shabelle iyo roobabka El Ninaha oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan gobolka Sh/dhexe. Qorshooyinka ayaa waxaa kamid ah carrotuur lagu sameynayo halka uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay qorshooyin loogaga hortagayo fatahaada wabiga Shabelle iyo roobabka El Ninaha oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan gobolka Sh/dhexe. Qorshooyinka ayaa waxaa kamid ah carrotuur lagu sameynayo halka uu wabiga ka jilicsan yahay iyo sidoo kale diyaarinta meel biyaha loogaga suuro magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo soo booqday maanta halka ay ka socdaan carro tuurka wabiga lagu sameynayo iyo biyo suurka magaaladaba ayaa warbixino ka dhagaystay sida ay u socdaan howlahaas mas’uuliyiinta u xilsaaran howlahan.

Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka & kan degmadaba waxaan ay kula dardaarmeen howlwadeenada inay dedejiyaan howlaha ay bulshada u hayaan.

"Waxaan marqaati ka ahay inaan aad isugu tashanay kana gaashamanay Fataahaad u sameeyo wabiga Shabelle dadaalkana weli wuu socdaa waxaana sidoo kale aan beegsan doonaan meelaha laga tuhun qabo in webiga fahataad uu ka sameeyo,” ayuu yiri Guddoomiye Guudlaawe"

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa u mahadceliyay hay’adaha ILO & LED oo ah labada hey,adood ee gacanta ka geysanaya ka hortagga fatahaadaha.

Qaar kamid ah mas’uuliinta maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay maanta soo booqdeen seylada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Jowhar iyagoo la sheekeystay qaar kamid ah xoolo dhaqatada ka keenta miyiga xoolaha.

kormer gudlawe (1)

kormer gudlawe (2)

kormer gudlawe (3)

kormer gudlawe (4)

kormer gudlawe (5)

kormer gudlawe (6)

kormer gudlawe (7)

kormer gudlawe (10)

kormer gudlawe (9)

kormer gudlawe (8)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip