Ciidamada Booliska & Nabad Suggida, ayaa kol dambe gaaray halkii labada askari lagu waarajiyay. Ma jirto cid la sheegay inay u soo qabteen dilka askarta.
Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in labada askari ee la dilay, ay ka tirsanaayeen Ciidanka Ilaalada Ee Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax. Wadajir waxay ood wadaag la tahay Degmadaasi Dharkiinley.
Sidoo kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dableyda dilka gaysatay ay ka tirsan tahay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan oo deegaanka ah, walow aysan illaa iyo hadda jirin cid amuurtaasi si rasmi ihi u xaqiijisay.
Inkastoo mintidiinta Ururka Al Shabaab loo tiriyo fal dembiyeedyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana xilliyada qaarkood Caasimadda dilal ka gaysta kooxo qowleysato ah.
xigasho:-dhacdo.com
Laba askari oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho
Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana laga qaatay qoryihii ay wateen. Nin degan agagaaraha Masaajidka Sheekh C/xafiid ee xaafadda Kuweyt, ayaa sheegay i