
Shirka Magaalada Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay iyo qodobo lagu heshiiyay
Shirka ugu horeeya ee madasha wadatashiga, ayaa waxaa uu qorshuhu yahay in la qabto bartamaha bisha soo socota ee October, sida uu dhigaayo heshiiska ay dhinacyadaasi gaareen.
Dhinacyadan, ayaa sidoo kale isku raacay in bisha koowaad ee sanadka soo socdo lagu dhawaaqi doono qaabka ay ku imanayan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee bedelaya Baarlamaanka iminka jira iyo weliba nooca ay noqon doonto doorashada lagu wado inay dalka ka qabsoomto 2016.
Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada, ayaa si weyn isugu khilaafay qaabka lagu soo dooran doono Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, inkastoo shirar la isu noq noqday ka dib laga soo saaray samaynta madasha wadatashiga.
Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa ku jahwareeray dhinacyada Somalida ee shirka leh, wuxuuna qorshuhu ahaa in Axadii shalay la soo gaba gabeeyo shirka, laakiin uu dib u dhaca uu ka yimid Puntland oo markii hore diiday ka qaybgalka Galmudug ee shirkaasi.
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa saacadihii ugu dambeeyay garwadeen ka ahaa shirka, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ugu amba baxay Wadanka Emirate-ka CarabtaXIIGASHO:-DHACDO.COM
Shirka Magaalada Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay iyo qodobo lagu heshiiyay
Inkastoo aan si rasmi ah weli loogu dhaqaawin qodobada laga soo saaray shirkii saddexda maalmood ka soconaayay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa hadana galabta la soo gaba gabeeyay. Waxaa xilligan lagu hawlan yahay qorista War Murtiyeed qodobo