
Ciidanka Asluubta oo Muqdisho ka sameeyay howlgal lagu aruurinaayay caruurta Dibjirka (SAWIRRO)
Degmooyinka howlgalka laga sameeyay, ayaa kala ah Xamar weyne, Waaberi, iyo Degmada Hodan, waxaana ciidamada ay aruuriyeen caruur badan iyo rag dhalinyaro ah, kuwaasi oo dariiqyada ku cabaayay waxyaabaha maanka dooriya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay sababta ka dambeysa in caruurta Dibjirka Wadooyinka laga aruuriyo inay tahay in Shabaab aysan u adeegsan falal guracan caruurtaasi.
Waxa kale oo ay sheegeen Saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka tirsan in caruurtaan lagu xanaaneyn doono goobaha ay joogaan ciidanka Asluubta si loo soo dhaqan celiyo, maadaama dhaqankii wanaagsanaa uu ka lumay.
Gaadiidka ay wataan ciidamada Asluubta ayaa la arkaayay oo ay ka buuxaan dhalinyaro badan, kuwaasi oo ciidanka ay soo qabteen, kadibna la geeyay goobaha ciidamada ay joogaan.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed tan iyo markii Bashiir Goobe loo dhiibay xilka Ciidanka Asluubta la arko ciidamada oo aruurinaayo caruurta Dibjirka ah.


0 









Ciidanka Asluubta oo Muqdisho ka sameeyay howlgal lagu aruurinaayay caruurta Dibjirka (SAWIRRO)
Ciidamada Asluubta Somaliyed ayaa Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgal lagu aruurinaayay caruurta Dibjirka ah ee ku nool wadooyinka Magaalada Muqdisho.