
Alshabaab oo la sheegay inay Alqaacida ka heleen hub casri ah.
Shabakadda Albawabhnews,waxay kaloo qortay inay Hoggaanka Alqaacida ku
amreen Madaxda Alshabaab inay iclaamiyaan Dagaal ay kaga hortagayaan
xubnaha Daacish, si aysan saamayn ugu yeelanin gudaha Somalia, waa sida
lagu daabacay WarbaahintaAlbawabhnews ee Masar.
Madaxda Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay oggolaadeen Awaamiirta ka soo gaaray Madaxda Alqaacida, waxayna Madaxda Alshabaab bilaabeen inay gacan bir ah ku qabteen xubnaha ku biirayo Kooxda Daacish.
Hadalkan ayaa soo baxay, iyadoo ay Taageerayaasha Daacish ee ka go’ay Alshabaab isku urursanayaan Dhulka Kaymaha Boni ee dalka Kenya iyo qeybo ka mid ah Buuraha Galgala ee Maamulka Puntland.
Xarakadda Alshabaab waxay Ururka Alqaacida la midoobeen bishii
Feberaayo ee sannadkii 2012-kii, iyadoo uu Amiirkii hore ee Alshabaab,
Axmed Cabdi Godane ku dhawaaqay Midowgaasi oo ilaa iyo haatan aad u
xoogeysatay.
Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Warbaahinta Carabta ayaa horey u qoray inay
Dagaalyahanno Shisheeye ah oo ka tirsanaa Alshabaab ku biireen Sheekh
C/qaadir Muumin oo horey u taageeray Hoggaamiyaha KooxdaDaacish,
Abubakar Albaqdaadi.
Sheekh C/qaadir Muumin oo in muddo ah ku noolaa dalka Britain ayaa waxay
isaga iyo Maleeshiyo taabacsan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Maamulka
Puntland ee W/bari ee Somalia.
XIGASHO:-Radiodalsan,com


0 


Alshabaab oo la sheegay inay Alqaacida ka heleen hub casri ah.
Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Masar eealbawabhnews,Ururka Alqaacida waxay Xarakadda Alshabaab u soo direen shixnad hub ah, si ay uga hortagaan xubnaha ka tirsan Kooxda Daacish ee doonaya inay Iimaaraad ka dhisaan gudaha Somalia.