Dowladda Jabuuti Oo Xiriirka U Jartay Iran

0
Thursday January 07, 2016 - 09:21:20 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jabuuti Oo Xiriirka U Jartay Iran

    Go'aankan ay qaadatay Jabuuti ayaa waxaa VOA u sheegay wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. Dalka Jabuuti ayaa maanta sheegay inuu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kadib weerarkii dhowaan dad carreysan ay ku qaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankan ay qaadatay Jabuuti ayaa waxaa VOA u sheegay wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. Dalka Jabuuti ayaa maanta sheegay inuu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kadib weerarkii dhowaan dad carreysan ay ku qaadeen safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tehran. Go’aankan oo lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay VOA.

Jabuuti ayaa waxaa xiriir aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa Saudi Arabia.

Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Xuseen Barre Aadan ayaa faahfaahinta warkan ka waraystay weriyahayaga Ramadaan Muuse oo la xiriiray mas’uuliyiinta dawladda Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip