
Puntland oo ka hadashay sababtii ay uga baxday shirka wadatashiga
Puntland ayaa diidan jiritaanka Maamulka Galmudug, waana mida keentay inay shirka ka baxaan madaxda Maamulkaasi.
War Saxaafadeedka Maamulka Puntland kasoo baxay ayaa sidan u qornaa:
Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka.
Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.
Daahfurkii shirka waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigsiga doorashooyinka 2016.
Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aysan raali ka aheyn isla markaasna ay doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016.
Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad.
Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen shirka taasoo ay DFS ay ku guuldaraysatay. Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka loo sixi lahaa.
Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka doorashada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.
Puntland oo ka hadashay sababtii ay uga baxday shirka wadatashiga
War Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland, ayaa looga hadlay aragtida Maamulka Puntland ee ku aadan Shirka Madasha Wadatashiga Siyaasada Somaliya oo Puntland ergadii ka socotay shalay ay ka baxeen. Qoraalka ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa