Xamar Waa Nabad, Xasiloonise Kuma Noola Shacabka. (Dareen Shacab) WQ: Max'ed Ibraahim Macalimu

0
Monday September 21, 2015 - 11:49:43 in Maqaallo by
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamar Waa Nabad, Xasiloonise Kuma Noola Shacabka. (Dareen Shacab) WQ: Max'ed Ibraahim Macalimu

    Tan iyo dhamaadkii 2011-kii magaalada Muqdisho dib ayay uga soo kabaneysay daqarradii dagaalada sokeeye.Dhismayaashii sida ba'an u burburay ee dadka qaar ay ku tilmaameen sida dhul uu Tsunaami ka dhacay ayaa lagu bilaabay dayactir. Xaafadba xaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo dhamaadkii 2011-kii magaalada Muqdisho dib ayay uga soo kabaneysay daqarradii dagaalada sokeeye.Dhismayaashii sida ba'an u burburay ee dadka qaar ay ku tilmaameen sida dhul uu Tsunaami ka dhacay ayaa lagu bilaabay dayactir. Xaafadba xaafadda xigta ayay u dhiibeysay,qeybo badanna waxa ay u ekaadaan goobo mudan in lagu noolaado oo waxaa soo noqday bilicdoodii.
Kaalmadii wax ku oolka aheyd ee Turkigu uu ku dhisay waddooyin muhiim ayaa sii kordhiyay quruxdiicaasimaddii burburtay.

Waddada muddooyinkan danbe loogu isticmaalka badan yahay waa ta Maka Almukarama ,waxaa hadda qarqiyay gawaari ciidan iyo qoryo xad dhaaf ah ,kuwo lagu ilaalinayo masuul dowladeed ama masuul hey'adeed. Dhamaan qoryahaasi waxa waddada loola dhex marayaa waa amnisugid sida lagu sheegayo,laakiin in qoryuhu ku battaan waddooyinka iyo in ay lagu yareeyo ta amniga lagu sugi karo waxaa la weydiinayaa qubarada bartay ammaanka.




Waxaan arkay gaari hubeysan oo lagu ilaalinayo nin ajnabi ah,ma aheyn ciidan dowladeed walow ay wateen dareys ama uniform isu eg, shacab saarnaa gaari minibus ah ayay markaa kadaba yimaadeen intii uu seed sii is lahaa darawalkii ayaa gaarigii ciidan uu ku yimid ,waxa ay dableydii qoryaha kuwada taageen gaarigii shacabku ka buuxay waxii Ashahaad ka dhacay haween saarnaa gaariga waaba la ogaa.

Nin ajnabi ah ammaankiisa ilaalintiisa ayaa umaddii waddanka u dhalatay aragagax loogu abuuray.

Ma ogtahay oo ma qiyaasi kartaa saacadaha ay Madaxda sare ee dowladda soo dagayaan ,dhoofayaan ama ay socod ku tagayaan meel ka mid magaalada dhibaatada soo gaarta Shacabka waddooyinka la xirayo awgeed. Hadiiba in la xiro waddooyinka aan laga fursaneyn sababo ammaan dartii saw ma wanaagsaneyn in la yareeyo waqtiga badan ee umaddu dhibaatooneyso. Maalin uu madaxweynuhu howl shaqo u aaday Afgooye waxaa la xiray waddda warshadaha ,gawaaridii ka soo galeysay Ex koontorool Balcad ee ka imaneysay Jowhar,Balcad ee ilaa gobollada dhexe ee waddada laga xiray ka hor inta aanu madaxweynuhu bixin waxaa ay dantu ku qasabtay in ay halkaa ku xayirnaadaan ilaa iyo gabbaldhicii oo uu soo laabtay Madaxweynuhu. Waxaa intaa dheeree Afgooye iyo dhamaan Sh/hoose qudaartii ka soo galeysay waa ay xayirmeen maalinkaa.

Waqti hore maxaan kuugu daaliyaa caawa Madax Soomaaliyeed ayaa casho ku lahaa maqaaxi ku taal liido ,ka hor inta aaney madaxdu iman waxaa la ceyriyay wax alla waxii baabuur ahaa ,waxaa yimid gaari yar oo Boolisku leeyahay oo sameecad dadka loogu sheegayo in ay gawaaridoodu wada qaataan.Waddadii oo dhan waa la xiray .Maqaayadihii buuxay mar kaliya ayay faaruq noqdeen. Nin cunta kariye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadihii ayaan weydiiyay cuntada bisil ee u taalla iima jawaabin ee saxan cadad hilib ah ay ku jiraan ayuu ii soo saaray daaqadda kushiinka (Fiiri Sawirka hoos ku lifaaqan). Cuntada kale ee bisil ee waliba aan dhigaalka galeyn waa ay badneyd. Oo hadii sidaa la yeelayo saw ma aheyn in loo digo ama magdhow laga siiya qasaaraha ku yimid? Saa waa muwaadin Soomaaliyeed.

Madaxda waxa ay waqti dheer ku celcelinayeen in qofkii ay dowladdu xirto aan la soo dabagalin oo aaney qarraabadiisu soo raadin inta laga baarayo,laakiin laguma celcelin in dadka xaq darro marka hore aan lagu soo xerin ka horba inta aan la soo dabagalin.

Haweeney waagii kacaanka shaqaale dowladeed ahaan jirtay ayaan ku arkay degmada Hiliwaa waxaan weydiiyay dareenka ay ka qabto dowladda ,waxa ay igu tiri ,anigu in kastooy howlgab ahay hadana shaqaalo dowlo ayaan ahaan jiray waxaan rumeysanahay bey tiri dowladnimo wax dhaami iney laheyn,laakiin wax ay tiri TVga ka arkaa saraakiisha oo codsanaya in dowladda lala shaqeeyo ,halala shaqeeyee aaway? maalinta kaliya ee aan aragno waa maalin dhalinyarada la raafayo oo howlgal uu jiro inkasta oo barrigii hore ay aad u darneyd.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa lagama maarmaan ah in Madaxda ay ogaadeen inta uu shacabkoodu rafaadayo in aaney xasilooni jirin Xamar,marka waxa la yiraahdaa sidee xeego loo xagtaa,carrabkuna uu ku nabad galaa ,Masuuliyiinta iyagaa laga rabaa in ay amnigooda adkeeyaan,shacabkuna aaney dartood u dhibaatoon oo ay turaan sababtoo ah waa iyaga waxa Madaxda lagu yahay,waana kuwa dib loogu noqon doono xilka gaaban ka dib.

Maxamed Ibraahim Macalimu
MUQDISHO, Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip