Dhanka kale saddex qof oo Soomaali ah, ayaa waxaa lagu xiray Magaalada Qaahira. Tallaabada dadkan lagu soo xiray ayaa timid, xilli hawlgal amni xaqiijin ah uu ka socday Caasimadda Masar.
Saddexdan qof ee Soomaalida ah, ayaa middi lagu sheegay inay haweeney tahay. Labada qof ee kale ee la xiray, ayaa kala ah nin qoraa ah oo magaciisa lagu sheegay C/fataax Xaydar, halka midka kalana uu yahay Macalin Dugsi Qur’aan.
Billihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay Somalida qorsheynaysa inay ka tahriibto xeebaha dalka Masar iyo kuwa kale, ee ku hawlan, sidii ay kaga gudbi lahaayen xuduuda ay Sudan la wadaagto Masar.
Magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka soconaaya hawlgalo amni oo la doonaayo in looga hortaggo Kacdoonkii dalkaasi ka curtay 25-kii January ee sanadkii 2011-ka



0 



60 qof oo Soomaali ah oo laga musaafuriyay dalka Masar
Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa 60 qof oo Soomaali ah laga musaafuriyay dalka Masar, xilli sida la sheegay ay muddo laba bilood ihi ku xirnaayen xabsiyada dalkaasi. Dadkan oo isugu jira rag iyo dumarba, ayaa waxaa qaarkood ay ciidamada ammaanku