
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari "SAWIRRO"
Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa yiri "Taariikhdu markii ay ahayd 12/07/2015 waxaa rafcaan ka qaatay xukunka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhinaca dhibanaha, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida markale u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamed Qaasim Barrow”
Maxkamadda ayaa maanta xukunka dilka ah ku fulisay Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, iyadoo dhinaca kale digniin u diray kuwa dadka dilaya in cadaaladda la horkeeni doono.
xigasho:-radiomuqdisho.net


0 














Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari "SAWIRRO"
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugidda, kaasi oo horey u dilay qof rayid ah.