Faah faahin ka soo baxaya dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Beledweyn

0
Sunday January 03, 2016 - 11:30:57 in Wararka by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin ka soo baxaya dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Beledweyn

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo dad badan ku dhinteen oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan duleedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada u dhaxeeyay labo beelood oo horay heshiis nabadeed la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo dad badan ku dhinteen oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan duleedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada u dhaxeeyay labo beelood oo horay heshiis nabadeed la kala dhex dhigay.

Dagaaladan oo socday 28-saacadood oo xiriir ahaa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo labada dhinac ahaa, waxaana ku barakacay qoysas fara badan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladan ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar iyo tuulooyin ku dhow dhow, waxaana dagaaladan salka ku hayaan dhinac ka mid ah maleeshiyo beeleedyada oo sheeganaya maamul gaar ah, taasoo ay ka biya diidan yihiin dhinaca kale.

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay labada beelood inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta, waxayna odayaasha ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay kala dhex galaan maleeshiyooyinka ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Dagaaladii u dambeeya ee ka dhacay deegaanka Buq-goosaar ayaa daba socda dagaaladii bishii la soo dhaafay ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn, inkastoo markii dambe Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay heshiis xabad joojin kala dhex dhigeen.

Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip