
Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo lagu wado in Maanta ay dooranaya Guddoomye
Musharaxiinta tartanka ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah; C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Cali Xasan, waxaana labadan murashax ay si aad ah ugu tartami doonaan xilka guddoomiyaha baarlamaankaMaamulka dowlad goboleedka k/galbeed Somaliya.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xubno ka socda ururka IGAD iyo xubno ka socda xafiiska QM ee Somaliya.
Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore loo doortay ninka ugu da’da weyn, iyadoo kulanka maanta uu yeelanayo baarlamaanka shir guddoomin doono, wuxuuna xilka wareejinayaan markii guddoomiyaha cusub la doorto.
Ugu dambeyn, baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed Somaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu maamulkaasi yeesho, iyadoo dhismaha baarlamaanka ay qayb ka tahay dhameystirka maamulkan oo uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sh. Aadan.
Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo lagu wado in Maanta ay dooranaya Guddoomye
Xildhibaanada barlamanka maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta inay doortaan gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, ka dib markii toddobadkii hore la soo dhameystiray tirada xildhibaannadan oo ah 145-mudane ah.