Safaaradda Sacuudiga ee Iiraan oo dab la qabad siiyay

0
Sunday January 03, 2016 - 10:21:15 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Sacuudiga ee Iiraan oo dab la qabad siiyay

    Dibad baxayaal ka careysan dilkii wadaad caan ah oo shiico ah oo shalay dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiga dil ku fulisay ayaa waxay weerareen Safaaradda uu Sacuudigu ku leeyahay dalka Iiraan, gaar ahaan magaalada Tehran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxayaal ka careysan dilkii wadaad caan ah oo shiico ah oo shalay dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiga dil ku fulisay ayaa waxay weerareen Safaaradda uu Sacuudigu ku leeyahay dalka Iiraan, gaar ahaan magaalada Tehran.

Boqolaal ruux oo dibad baxayaal ah ayaa dhagxaan ku tuuray, waxaana dibad baxayaasha ay quraarado basiin ah ku tuureen dhismaha Safaaradda, iyadoo wixii markaas ka dambeysay uu dab qabsaday.

Dibad baxayaasha ayaa xoog gudaha ugu galay Safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Sacuudiga, muuqaalo baraha bulshada lagu soo bandhigay ayaa muujinayay Safaaradda oo qiiq iyo holac ka baxaya.

Waxaa bur buray dhamaan alaabtii taalay dhismaha Safaaradda ka hor inta aan dab la qabadsiin, inkastoo markii dambe Ciidamada Booliska ay dadkaas kala eryeen.

Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Sacuudiga dilka wadaad shiico ahaa oo ka soo horjeeday Boqortooyada, waxaana uu ka mid ahaa 47 ruux oo shalay dil lagu fuliyay kuwaasoo lagu eedeeyay inay falal argagixiso ku lug lahaayeen.

Iiraan iyo Sacuudiga ayaa siyaasad ahaan aad ah isaga soo horjeeda, iyadoo dhowr jeer oo hore labada dhinac qalabka warbaahinta isaga weydaarsaday hadalo kulul.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip