WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA JANNAAYO 2016-KA

0
Sunday January 03, 2016 - 10:05:52 in Wararka by
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA JANNAAYO 2016-KA

    WASAARADDA MAALIYADDA AYAA SOO BANDHIGTAY HINDISAHA DAAH FURNAANTA DOWLADDA OO AY SHACABKA KULA WADAGAYSO XOGTA DOWLADDA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASAARADDA MAALIYADDA AYAA SOO BANDHIGTAY HINDISAHA DAAH FURNAANTA DOWLADDA OO AY SHACABKA KULA WADAGAYSO XOGTA DOWLADDA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo ilsa xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyada, dowlad wanaaga iyo hormarinta dhaqaalaha. Nidaamka daah furnaantu iyo dowlada oo lala xisaabtamo waa mid muhiimad gooni ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda, bushalda qaybaheeda kala duwan, iyo ganacsatada, waxayna u sahlaysa iney si saxan u is ticmaalaan akhbaaraadka dowladda.

Wasiirrka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in in Dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qofkasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la falgalo nidaamka dawladnimada.

"Dawladdu waxay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qayb ka yahay isaga oo aaminsan inuu dawladda isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga isla markaasna la cirib tiro musuqmaasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga, hufnaanta iyo islaxisaabtanka, ayaa ah tiirarka asaaska u ah dawlad Dimiquraadi ah iyo hormarka dhaqaaalaha. Dawlad xilkas ah oo hufan waa midda suurtagalisa in dhammaan muwaadiniinta, shaqaalaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah iy dhammaan bulshada inteeda kale ay si fudud u adeegsankaraan xogta dawladda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadahaan dambe ay si xawli ah uu kor ugu socday adeegsiga internetka ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirro gelinaysa in dad weynaha fursad loo siiyo xogta Dawladda.

"haatan, waxaa soo ifbaxaysa dhismaha Qaranimo curdan ah, Bangigii dhexe waa la yaglee lay, Nidaam maamul maaliyadeed ayaa loo sameeyay Wasaaradaha muhiimka ah, waxaa la qoray lana ansxiyey sharciyo dowladnimada saldhig u ah, sidoo kale waxaa la magacaabay jagooyin mu hiim ah oo dawladda ku caawinaya isla xisaabtanka, wasaaradihii waa hawl galeen, waxaa saddex sano jirsaday Miisaaniyadda Dawladda oo dhaqan gashay. Waxaana shalay la joogaa xiligii dad wey nuhu heli lahaayeen xogta iyo macluumaadka iyaga oo aan ku bixin kharash badan iyo waqti dhee raad ah. Haddii arrintaan si fiican loo dhaqan geliyo iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah waxaa dadweynaha iyo dawladaba ugu jira faa’iido weyn oo aan la soo koobi karin. Sharciga Hindisaha Daah Furnaantu waa arrin gogol xaar u noqon doontaa dibuhabaynta guud ee waddanka”

Golaha Wasiiradda ayaa balanqaaday fulinta aragtida Madaxweynaha ee ku aadan Furnaanta Dowladnimadda iyo in Dalku uu noqodo mid hogaamiya dhanka daah furnaata Qaarada Africa sanada 2020.

Hindisaha Daah furnaanta Dowladnimo waa dadaal ballaaran oo ku yimid Codsiga tooska ah ee Madaxwaynaha, waxaana hagaya Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya oo si ficil ahna u hogaaminaysa Wasaaradda Maaliyada oo la kaashanaysa Wasaarado kala duwan.

QARAX ISMIIDAAMIN AHAA OO KA DHACAY MAQAAHI KU DHOWR TIYAATARKII QARANKA EE MUQDISHO

Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax shalay ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Villa ge oo ku taalla guriga hooyooyinka oo kasoo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.

Qaraxan ayaan la ogeyn cid lagu bartilmaameedsanaya, iyadoo goobta uu ka dhacay ay ku sugnaay een koox wariyeyaal ah oo halkaas ku kulma maalin walba, waxaana qaar ka mid ah wariyeyaashan ay sheegeen in ninka qaraxa fuliyay uu meel ku dhow soo fariistay, balse ay markii ay shakiyeen ay ka kala tageen, isaguna uu isqarxiyay daqiiqado kaddib.

Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Alshabaab, mana jirto wariye waxyeello ay ka soo gaartay Qaraxan.

Wariye ka mid ah kooxdii wariyeyaasha ahaa ee maqaayadda ku sugnaa ayaa u sheegay warbaahinta in ninka isqarxiyay uu isagoo caadi ah maqaayadda soo galay uuna soo agfariistay, balse ay ka kala tageen, kaddibna uu si iskiis ah isu qarxiyay.

"Markii ninku noo yimid ayaan ka kala tagnay, markaan ka kala tagnay ayuuna isqarxiyay ni nka, ma jiro wariye ay waxyeello kasoo gaartay qaraxaas; intii uusan ninku noo imaaana; waxaa noo yimid mid ka mid ah askarta dowladda oo na weydiiyay gaari dibadda yaalla oo laga shakiyay cidda is ka leh, laakiinse la waayay qofkii lahaa, markaas ayuuna shakigu na galay,” ayuu yiri wariyeyahan.

Qofka shacabka ah ee ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa qof waayeel ah, kaasoo la sheegay inuu ahaa oday… waxaana dadkii ku dhaawacmay oo iyaguna shacab ahaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaar ka mid ah.

Dhanka kale, Qaraxan ismiidaamin ah ee lagu weeraray Baarka The Village ayaa Wuxuu no qonayaa kii ugu horreeyay oo Muqdisho ka dhaca sanadkan cusub ee 2016ka oo daraad curtay; iya doo sannadkii lasoo dhaafay ee 2015ka ay Muqdisho ka dhaceen Qaraxyo kala duwan oo khasaare badan geystay.

Ugu dambeyn, ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay habeen hore toogasho ku dile en saddex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaa ahaayeen koox Alshabaab ka tirsan oo habeen hore weeraray saldhigga degmada Huriwaa ee Muqdisho, ayna ka furteen saddex qoryaha fudud ah oo ay wateen raggan la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, Maqaayada The Village ee uu qaraxu ka dhacay shalay ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo mid ka mid ah ay ku dhinteen saddex wariye oo ka howlgeli jir ay Warbaahinta Muqdisho

WASIIRKA AMNIGA OO KA HADLAY QARAXII MAQAAXIDA THE VILLAGE

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamedayaa ka hadlay qarax shalay ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahayay waxaana damaciisu ahaa in uu dilodadka halka asi isugu tegay, balse qaar mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qorshihii uu ku doonayay in uu dadka ku laayo.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa Qaraxa uu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay Qof kaasi, maadaama dadkii ka shakiyay ay goobta isaga carareen.

Xigasho Radio Muqdisho

WASIIRKA BEERAHA SACUUDIGA OO LA KULMAY SAFIIRKA SOMALIA U JOOGA DALKAASI.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay inuu Wasiirka Beeraha Sacuudiga, C/raxmaan Bin C/muxsin Alfadli uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Somalia u jooga Sacu udiga, Daahir Maxamuud Geelle.

Labada mas’uul waxay ka wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida ay labada dal isaga kaa shan karaan dhinaca Beeraha.

Dowladda Sacuudiga ayaa danaynayso inay maalgashi ku sameeyaan dhulbeereedka Som alyia, maadaama uu Somalia hodan ku yahay dhinaca Beeraha.

Dowladda Sacuudiga waxay dhawaan culays kala kulmeen Dowladda Ethiopia oo ku aadan muran ka yimid dhinaca dhulbeereed ay Sacuudiga maalgeliyeen.

MAAMULKA MUQDISHO OO HOOS U DHIGAY LACAGAHA LAGA QAADO DHUGDHULEYDA

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu shalay ku dhawaaqay in hoos uu u dhigay laca gihii joogtada ahaa, ee maalin kasta laga qaadi jiray mooto bajaajka.

Mooto bajaajka waxaa maalinle looga qaadi jiray lacag dhan 22 kun oo shilinga Somaliga ah ($1), hadase waxaa laga dhigay 11 kun oo shilling Somali ($.50).

Xoghayaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Maxam ed Amiin), ayaa waxaa uu shalay iclaamiyay in hadda ka dib wadayaasha mooto bajaajka laga qaadi doono lacag dhan nus dollar lacagta Mareykanka ah.

Maxamed Amiin, ayaa sheegay in la samayn doono akoon bangi, oo hadda ka dib ay lacagaha canshuuraha ku bixin doonaan wadayaasha mooto bajaajka.

Xoghayaha, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalay Magaalada Muqdisho kula qaatay boqolaal ka mid ah wadayaasha mooto bajaajka, oo qaylo dhaan ka muujinaayay lacagahaasi.

Waxay kaloo ka qaylo dhaamiyeen sida Ciidamada Dowladda Somaliya ula dhaqmaan waday aasha. Wadayaashu waxay marar badan Warbaahinta ka sheegeen in boob iyo tacadiyaba, ay kala kulmayaan Ciidamada Dowladda.

Wadayaasha mooto bajaajka, ayaa waxay samaysteen guddi ay ku mideysan yihiin, kaasoo ay ugu magacdareen (Guddiga Iskaashatada.Mootooyinka Gobolka Banaadir).

CALI GAAB "DOWLADDA IYO SHABAAB MUQDISHO MA WADA JOOGAYAAN”

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xersi Barre "Cali Gaab” ayaa she egay Dowladda iyo Shabaab inaysan wada jogeyn Magaalada Muqdisho, isaga oo ku hanjabay in Magaalada laga saarayo Shabaabka dhuumaaleysanaya.

Jeneraal Cali Xersi Barre "Cali Gaab” Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir waxa uu tilmaamay Magaalada Muqdisho inay tahay meel ammaan ah oo shacabka Somaliyed ay ku nool yihiin, aysana ogolaan doonin in Shabaabka ay carqaladeeyaan ammaanka.

Waxa uu tilmaamay Dowladda iyo Shabaab inaysan ku wada noolaaneyn Muqdisho oo Shaba abka laga saarayo Magaalada meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan.

"Shabaab iyo Dowladda ma wada joogayaan Magaalada Muqdisho si dhab ah ayaa looga saar ayaa meelaha ay Magaalada kaga dhuumaaleysanayaan, howlgal culus ayeey ciidamada bilaabaya an.” Ayuu yiri Cali Gaab.

Taliyaha Qaybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan garan karin waxa kalifay Dhalinyaro Somaliyed oo aqoon leh inay hub soo qaataan, kadibna ay u dagaalamaan ujeedo aysan garan karin natiijada ka dambeysa waxa ay tahay.

Hadalkaan ayuu taliyaha wxuuu ka sheegay isaga oo dul taagan meydadka saddex nin oo Shabaab ah oo lagu toogtay Degmada Heliwaa, xilli ay soo weerareen Saldhiga Degmadaasi habeen hore fiidkii.

MAAMULKA SH.HOOSE OO BEENIYAY IN CIIDAMADA DFS AY DHAC KA GEYSTAAN MAGAALADA MARKA

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose, Maxamed Ra shiid Guhaad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ciidamada Dowladda ay boob iyo dhac hantiyadeed ay ka geysteen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Afhayeen Maxamed Rashiid Guhaad ayaa ku tilmaamay Wararkaasi mid been abuur ah xili ay Dad la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ay sheegeen in howlgallada Ciidamada ay dhac iyo handed aad ay kala kulmaan.

DOORASHADA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA KOOFUR GALBEED OO MAANTA KA DHACEYSA BAYDHABO

Baarlamaanka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maa nta dooranaya Guddoomiye iyo lab adiisa kuxigeen, iyadoo qab an qaabada ku aadan doorashada si weyn looga dareemayo magaalada Baydhabo ee Gobo lka Bay.

Musharaxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baa rlamaanka iyo labada kuxigeen, wa xaana tan iyo shalay magaa lada ka socday olole musharaxi inta ugu diyaar garoobayeen doo rashada.

Doorashada ayaa noqon doon ta mid sanduuq ah, waxaana xil alka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ay u sharaxan yihiin illaa shan musharax.

Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Guddoomiyaha Baarl amaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah C/qaadir Shar iif Sheekhuna Maye iyo Cali Xasan, sidoo kale waxaa xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharaxan labo musharax, halka Guddoomiye kuxigeenkana u sharaxan yahay hal musha rax kaliya.

Doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Wa siiro ka tirsan Xukuumadda Federaal ka, xubno ka socda Urur Go boleedka IGAD iyo Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey UNSOM.

Baarlamaanka Koofur Galbeed oo dhowaan la soo dhame ystiray ayaa ka kooban 145 mudane, waana Baarlamaanka ugu badan marka loo eego Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka ka jira

WASIIRKA GAASHAANDHIGA IYO TALISKA AMISOM OO KA WADA HADLAY DAR DAR GELINTA HOWL GALADA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shalay xafiiska ku qa abilay Taliyaha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Gen. Mohammedesha, iyadoo kulankan uu ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo sara akiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dardar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada ka dhanka ah AlShabaab.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Zeyinu ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S warbixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen howlgallada socda ee lagula dagaallamayo AlShabaab, si deegaanada gobolada dalka looga saaro sanadkan cusub, sida ay Saraakiishu sheegeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihi in iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhiba atada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

"Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan lo oga sifeeyo cadowga. Ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan sheegay in dib loo bilaabi doono howl galada ka dhanka ah AlShabaab, iyadoo sanadkii la soo dhaafay uu hakad galay howl galkaas.

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO TABABAR U FURAY DHALINYARO KA KALA TIMID 17DEGMO

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay Tababar u furay dhalinyaro ka socotay 17ka degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo Tababarkan ay fududeysay Ururka Kaah oo ka shaqeeya arrimaha Sama falka.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Ax med Diiriye oo Tababarkan furay ayaa kula dar daarmay dhalinyarada inay ka faa’ideystaan tababark an oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada madaniga ah.

Tababarkan ayaa waxaa casharo ka bixinayay khabiiro Soomaaliyeed, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qaar ka mid ah dhalinyaradadii ka qeyb gashay Tababarkan ayaa sheegay inay ka faa’id eysan doonaan mashruuca waxbarashada madaniga ah, iyagoo uga mahad celiyay Hey’addii soo qaban qaabisay.

Tababarkan ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimaha hormarinta, nabadgelyada iyo waxbarashada.

Mashruucaan waxbarashada madaniga ah waxaa horay xariga uga jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahnda Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY INUU DHOWAAN UU BILAABANAYO HOWL GALKA WABIGA JUBBA

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kis maayo, kadib safaro uu ku tagay Itoobiya iyo Kenya ayaa sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howl gal loogu magac daray Wabiga Jubba, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii AlShabaab loogaga saari lahaa deegaanada Jubooyinka.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shirar uu Addis Ababa iyo Nairobi ka qeyb galay oo looga hadlayay ammaanka, waxaana uu xusay in looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka guud ee Gobolka.

"Dhowaan waxaa bilaaban doona howl galka Wabiga Jubba, oo ujeedkiisa yahay in Shabaab looga saaro deegaanada Jubbooyinka”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intaa ku daray in dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab laga saari doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in howl galkan uu bilaaban doono bishan gudaheed, isla markaana ay iska kaashan doonaan ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay shirka madasha wada tashiga ee 10ka bishan ka furmi doona magaalada Kismaayo, waxaana uu rajo ka muujiyay shirkaas guul laga gaari doono.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalintii darraad ay gaareen Kismaayo illaa 250 askari Ciidamo Itoobiyaan ah oo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone ee ka baxay Soomaaliya, Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo dhameystiro, si ay uga qeyb qaataan howl galka Wabiga Jubba.

C/WELI GAAS : "WAXAA WAAJIB AH INAY SHACABKU ARKAAN WAXA U QABSOOMAY XUKUUMADDA..”

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa furay shirka isla xisaabtanka hay’adaha Puntland shirkaas oo ah mid sanadle ah oo sannadkiiba mar la qabto si bulshadu ay u ogaato ballanqaadyadii ay dawladdu u samaysay waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsooni iyo sababta.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay barnaamijkani inuu ku qotomo sidii ay bulshada iyo dawladdu ukala warqabi lahaayeen maadaama cidda ay dawladdu u adeegayso ay tahay bulshada Puntland.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo shaqeynaayo dadweynaha, "Wa xaa loo shaqaynayaa waa dadweynaha reer Puntland, waxaa waajib ah inay shacabku arkaan waxa u qabsoomay xukuumadda iyo waxa aan uqabsoomin”ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.

SACUUDIGA OO DIL KU FULISAY 47 RUUX OO UU KU JIRO WADAAD SHIICO AH

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shalay dil ku fulisay illaa 47 ruux oo lagu eedeeyay Argagi xisinimo, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa Wadaad Shiico ah oo lagu magacaabo Nimri Baaqir AlNimri.

War laga sii daayay Telefishinka AlCarabiya ayaa lagu sheegay in 47 ruux ay qorsheynayeen falal argagixiso, waxaana 45 ka mid ah ay u dhasheen Sacuudiga, halka labada kale ay u kala dha sheen dalalka Chad iyo Masar.

Sheekh Nimri Baaqir AlNimri oo ahaa wadaad shiico ah ayaa sanadkii 2012 cambaareyn u jeediyay dowladda Boqortooyada Sacuudiga, isagoo ku baaqay in doorashooyin ka dhacaan, wax aana dowladda ku eedeysay inuu argagixiso ahaa.

Sidoo kale ragga la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Wadaad Sunni ahaa oo lagu magacaabo Fares Shuwel oo isna u xirnaa falal la xiriiray Argagixisonimo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in dhamaan dadkan lagu helay dambi argagixiso ah.

Dilkan wadaadkan ayaa durbaba waxaa ka dhashay banaan bax looga soo horjeedo oo ay dhigaye en dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada.

Dowladda Iiraan oo ay iska soo horjeedaan Sacuudiga ayaa sheegtay in dilkaas ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.

KOOXDA IS OO DULEEDKA MAGAALADA RAMADI KU LAAYEY LIXDAN KA MID AH CIIDAMADA DOWLADA CIRAAQ

Dagaalyahanada kooxda isugu yeertay Dowladda Islaamiga ah ayaa weerrar ku qaadey saldh ig uu leeyahay milateriga Ciraaq oo ku yaal waqooyiga magaalada Ramadi, halkaasoo ay ku laa yeen lixdan askari.

Weerrarka ayaa imanaya xilli ciidammada Ciraaq ay sii xoojinayaan gacan ku haynta maga alada Ramadi oo dhowaan ay kala wareegeen kooxda IS ka dib dagaal muddo badan socday.

Waa weerrarkii ugu weynaa ee ay Kooxda Dowladda Islaamiga ah ku qaaddo ciidammada Cir aaq tan iyo horraantii todobaadka markaa oo lagu dhawaaqay in dib loo qabtay magaalada Ramaadi.

Sarkaal ka tirsan milateriga ayaa sheegay in jihaadiyiinta ay weerarkan u adeegsadeen lix ba abuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ay xoojinayeen dagaalyahano xiran suuman laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Sarkaalka ayaa sheegay in milaterigu uu rogaal celin sameeyay iyagoo gacan ka helaya duq eymaha cirka ee ay gaysanayaan isbahaysiga.

CIIDAMO ITOOBIYAAN AH OO LA GEEYAY MAGAALADA KISMAAYO EE JUBADDA HOOSE

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, kuwaasoo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone oo horaantii sanadkan ka baxay Soomaaliya.

Ciidamada Seirra Leone ayaa Soomaaliya uga baxay markii dalkooda uu ka dilaacay cudurka Ebola, isla markaana la waayay ciidamo bedela, iyadoo Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay diideen in Ciidamo bedela kuwii joogay laga keeno dalkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay in Ciidamadan Itoobiyaanka oo gaar ayay illaa 250 askari ay horu dhac u yihiin illaa kun askari.

Ciidamadan ayaa la dejiyay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Dekeda iyo duleedka waqooyi ee magaalada oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Markab gaadiid ciidan iyo qalab milateri u sida Ciidamada Itoobiyaanka ee daraad gaaray Kis maayo ayaa ku soo xirtay Dekeda.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay kala qeyb qaadan doonaan Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jubbaland guluf dagaal oo qorshihiisa yahay in AlShabaab looga saaro deegaanada Jilib, Jamaame, Xagar iyo Bu’aale.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmahan ku sugnaa magaa lada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Diba dda.

Maamulka Jubba ayaa horay ugu ololeynayay in Ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidankii Sie rra Leone ee ka baxay Kismaayo, inkastoo Siyaasiyiin Soomaali ah ay saluugsanaayeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada u muuqda kuwa ugu badan ee ku sugan Soomaaliya, marka la ga reebo Ciidamada Uganda, waxaana horay Saraakiil ka tirsan AMISOM ay sheegeen inay jiraan Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ay ku sugan yihiin gobolada dalka.

AL-SHABAAB OO LA WAREEGTAY DEGAANKA BUQGOOSAAR EE GOBOLKA HIIRAAN

Wararka ka imaanaya Degaanka Buqgoosaar ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay la war eegeen Gacan ku hayntiisa Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Degaanka Buqgoosaar Ee Gobolka Hiiraan ayaa Daraad waxaa ku Dagaalamay Labo Malee shiyo Beelood oo ka mid ah Maleeshiyaadkii horay ugu dagaalamay Galbeedka Magaalada Baled weyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Alshabaab ay Dagaal la’aan kula Wareegeen Degaank aasi,iyadoo ay Bartamaha Magaalada ka taageen Calanka Madow Ee Alshabaab lagu yaqaano.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Degaanka buqgoosaar ay uga soo baxeen Xeelad Dagaal islamarkaana ay rajeynayan in ay dib ugu laabtaan.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay ka Faa’ideysteen Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyo Beeleedka,kaas oo Maalmahaan ka taagnaa Halkaasi.

TURKIGA OO SHEEGAY IN DAD LOO SOO QAB QABTAY MUWAADININKII LOOGA DHAAWACAY MAGAALADA MUQDISHO

Dowladda Turkiga, ayaa waxay xaqiijisay inay jiraan dad looga shakisan yahay inay soo male ygeen weerarkaasi, oo lagu xiray Magaalada Muqdisho, dhawaana Cadaaladda la horkeeni doono.

Muwaadinkan, ayaa waxaa lagu dhaawacay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, xilli Sala addii Jimcaha uu ku soo tukaday Masaajidka C/laahi Ciise. Rag la socday gaari nooca raaxada ah, ayaa ku horjaray gaarigii uu watay, iyagoona rasaas xoogan oodda kaga qaaday. Rasaastaasi waxaa ku dhimatay gabar saddex sano jir ahayd, oo wadada dhinaceeda mareysay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkan, sidoo kalana waxaa lagu sheegay in la soo xiray dad lala xiriirinaayo weerarkaasi.

"Waxaan cambaaraynaa weerarkan, waxaana jira dadka la tuhunsan yahay inay weerarka soo maleygeen oo la qabtay, kuwaa oo dhawaan Cadaaladda la horkeeni doono.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Turkigu uu sii wadi doono taageeradiisa ku aadan dadka Somaliyeed. Turkigu wuxuu sheegay in Somalidu uu ka caawinaayo dib u soo celintii xasiloo nida iyo daryeelka dadka Somaliyeed.

"Turkigu wuu sii wadi doonnaa tallaabada uu isku garab taagey dadka Somaliyeed, oo aan ka caawinayno dib u soo celinta nabadda iyo daryeelka Somalidaba.” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.

Ninka Turkiga u dhashay ee lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho, ayaa ahaa qandaraasle ka tirsan Hay’adda IHH, oo ka tirsan Hay’adaha Turkiga ee ka hawlgala Xarunta Somaliya

AL-SHABAAB OO DOONAYA DHALINYARO WEERAR KA FULISA MAREYKANKA

Musharaxa u tar tarmaya xilka madaxtinimada Maraykanka Donald Trump ayaa kasoo dhex muuqday muqaal ku dhawaad 1 saac soconayay oo ay soo bandhigeen Xarakadda AlShabab.

Muuqaalka ay AlShabab soo bandhigeen waxaa ay ku sheegayaan inay jirto cadowtooyo uu ummadda Muslimka u qabo musharaxa xisbi Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump isla markaana ay u baahan yihiin dhalinyaro Muslimiin ah oo AlShabab kaga timaada dalka Maraykanka.

AlShabab ayaa filimka ay soo bandhigeen oo qadar 50 daqiiqo ah soconaya waxay tusaale u soo qaateen hadalkii uu dhawaan musharaxa madaxtinimada Donald Trumpuu ku sheegay in Mus limiinta laga joojiyo dalka Maraykanka tagaan.

Sidoo kale muqaalka oo ay AlShabab u bixiyeen wadadii janada waxay waxay ku soo bandhigeen magacyada 4 dhalinyaro Soomaali ah oo markoodii hore ka yimid Maraykanka haddana ku gee riyooday Soomaaliya ayagoo AlShabab ka tirsan.

Magacyada dhalinyaradaas waxaa ka mid ah Faarax Baladii oo ku magac dheeraa Asadullaah 2 Jamaac Sheekh Banna oo ku magac dheeraaAshraf Zakariya Macruuf oo ku magac dheeraa Abuu Muslim AlMuhaajir iyo Cabdi Rashiid Cali Cumar oo ku magac dheeraa Sufyaan

Dhalinyaraadaan AlShabab waxay sheegeen inay ku naf waayeen dhawr dagaal oo Muqdisho ka dhacay.

Dadka arrimaha amaanka falanqeeya waxay ku macneeyeen muuqaalkaan inay ku doonayaan inay helaan dhalinyaro fekerkooda qaadata oo la dagaalama reer galbeedka.

SAFAARADDA SACUUDIGA EE IIRAAN OO LA GUBAY

Dibadbaxayaal ka caraysan dilkii uu Sucuudiga u gaystay wadaad caan ah oo Shiica ah ayaa waxa ay weerareen safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Iiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen xubno ka tirsan kooxda u tababaran sida milateriga oo dhismaha safaaraddaasi ee magaalada Tahraan ku tuuraya bambooyin laga sameeyay batrool, halkaasi oo ay dibadbaxayaashu burburiyeen alaabtii taalay ayna dhism aha safaara dda dab qabadsiiyeen ka hor inta bool iska Iiraan aanay kala eryin dadkaasi.

Xilli sii horraysayna dowladda Iiraan oo ah awoodda ugu ballaaran ee Shiicada dunida ayaa u ga digtay Sucuudiga in ay ka shalayn doonto dilka ay u gaysatay Sheekh Nimr alNimr, kaasi oo loo dilay dambiyo la xiriira argagixisanimo iyo qeybtii uu ka qaatay dibaxyo ka dhan ah dowladda Sucuu diga intii uu socday Kacdoonkii Carabta.

Dilka uu Sucuudiga u gaystay Nimr al Nimr ayaa la hubay in uu ka caraysiin doono Iiraan oo isu aragta in ay mas’uul ka tahay Shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Bariga Dhexe.

Dad badan ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tahraan si ay u muujiyaan caradooda ku aadan arrintaasi.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa u dhacay gudaha safaaradda oo waxa ay ku tureen bambooyin laga samee yay batrool ka hor inta boolisku aysan kala eryin.

Qof goobjooge ah ayaa BBCda laanta Afka Persianka u sheegay in xubnaha maleeshiyada taageerto dowladda ay qayb ka ahaayeen weerarka.

Goor sii horreysayna, dowladda Iiraan ayaa si cara leh uga jawaabtay dilka wadaadkaasi, wax aana wasaara dda arrimaha dibadda ee Iiraan ay ku eedaysay Sucuudiga in ay taageerto argagixis animada dibadda isla markaana ay caburin iyo dil kala hortagto dadka ku nool gudaha ee dowladda dhaliilsan.

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ballan qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan aargoosi.

Iiraan oo ah Shiico iyo Boqortooyada Sucuudiga oo ah Sunni ayaa waxa ka dhaxeeya loolan ay ugu jiraan awoodda gobolka, arrintaasi oo sii hurisay colaaddda madhabta ku salaysan ee ka jira laga billaabo Yaman ilaa Suuriya.

Dhacdadan ugu dambeysayna ayaa sii fogayn karta cadaawadda u dhaxaysa labadan madh ab ee ku abtirsada diinta Islaamka.

ISRAA’IIL OO ADKAYNAYSA AMMAANKA DEEGAANADA CARABTA

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la adkeyn doono ammaanka deegaanada Carabta Israa'iil ka dib markii Jimcihii ay ka dhacday toogasho magaalada Tel Aviv.

Mr Netanyahu ayaa shumac ku shiday bannaanka hore ee baarkii uu ninka hubeysan ku furay rasaasta, halkaasi oo uu ku dilay laba qof islamarkaana uu ku dhaa wacay todaba qof oo kale ka hor inta uusan cararin.

Waxa uu intaasi raaciyay in Israa'iil ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah si ay uga horta gto dilalka.

Ciidammada ammaanka ayaa weli waxa ay baadi goobayaan qofkii gaystay weerrarka, kaasi oo ay booliska ku sheegeen in uu ahaa 29 jir Carabta Israa'iil ah kana soo jeeda tuulada Arara ee waqooyiga Israa'iil.

Muuqaal ay duubeen kaamerooyinka la socda ammaanka ayaa muujiyay ninka hubeysan oo qori boobe ah kala soo baxaya boorso kaddibna xabad ku furaya dad ku sugnaa waddo mashquul ba dan oo ay ku yaalaan baarar iyo makhaaxiyo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip