
Turkiga oo sheegay in dad loo soo qab qabtay Muwaadininkii looga dhaawacay Magaalada Muqdisho
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkan, sidoo kalana waxaa lagu sheegay in la soo xiray dad lala xiriirinaayo weerarkaasi.
"Waxaan cambaaraynaa weerarkan, waxaana jira dadka la tuhunsan yahay
inay weerarka soo maleygeen oo la qabtay, kuwaa oo dhawaan Cadaaladda la
horkeeni doono.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalkan, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Turkigu uu sii wadi doono taageeradiisa ku aadan dadka Somaliyeed. Turkigu wuxuu sheegay in Somalidu uu ka caawinaayo dib u soo celintii xasiloonida iyo daryeelka dadka Somaliyeed.
"Turkigu wuu sii wadi doonnaa tallaabada uu isku garab taagey dadka Somaliyeed, oo aan ka caawinayno dib u soo celinta nabadda iyo daryeelka Somalidaba.” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.
Ninka Turkiga u dhashay ee lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho, ayaa ahaa qandaraasle ka tirsan Hay’adda IHH, oo ka tirsan Hay’adaha Turkiga ee ka hawlgala Xarunta Somaliya


0 



Turkiga oo sheegay in dad loo soo qab qabtay Muwaadininkii looga dhaawacay Magaalada Muqdisho
Dowladda Turkiga, ayaa waxay xaqiijisay inay jiraan dad looga shakisan yahay inay soo maleygeen weerarkaasi, oo lagu xiray Magaalada Muqdisho, dhawaana Cadaaladda la horkeeni doono.