Al-shabaab oo la Wareegtay Degaanka Buq-goosaar Ee Gobolka Hiiraan

0
Saturday January 02, 2016 - 18:28:59 in Wararka by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo la Wareegtay Degaanka Buq-goosaar Ee Gobolka Hiiraan

    Wararka ka imaanaya Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay la wareegeen Gacan ku hayntiisa Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degaanka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay la wareegeen Gacan ku hayntiisa Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab. Degaanka Buq-goosaar Ee Gobolka Hiiraan ayaa Shalay waxaa ku Dagaalamay Labo Maleeshiyo Beelood oo ka mid ah Maleeshiyaadkii horay ugu dagaalamay Galbeedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Al-shabaab ay Dagaal la’aan kula Wareegeen Degaankaasi,iyadoo ay Bartamaha Magaalada ka taageen Calanka Madow Ee Al-shabaab lagu yaqaano.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Degaanka buq-goosaar ay uga soo baxeen Xeelad Dagaal islamarkaana ay rajeynayan in ay dib ugu laabtaan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka Faa’ideysteen Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyo Beeleedka,kaas oo Maalmahaan ka taagnaa Halkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip