
Al-shabaab oo doonaya Dhalinyaro Weerar ka Fulisa Mareykanka
Al-Shabab ayaa filimka ay soo bandhigeen oo qadar 50 daqiiqo ah soconaya waxay tusaale u soo qaateen hadalkii uu dhawaan musharaxa madaxtinimada Donald Trump uu ku sheegay in Muslimiinta laga joojiyo dalka Maraykanka tagaan.
Sidoo kale muqaalka oo ay Al-Shabab u bixiyeen wadadii janada waxay waxay ku soo bandhigeen magacyada 4 dhalinyaro Soomaali ah oo markoodii hore ka yimid Maraykanka haddana ku geeriyooday Soomaaliya ayagoo Al-Shabab ka tirsan.
Magacyada dhalinyaradaas waxaa ka mid ah Faarax Baladii oo ku magac dheeraa Asadullaah 2-Jamaac Sheekh Banna oo ku magac dheeraa Ashraf Zakariya Macruuf oo ku magac dheeraa Abuu Muslim Al-Muhaajir iyo Cabdi Rashiid Cali Cumar oo ku magac dheeraa Sufyaan
Dhalinyaraadaan Al-Shabab waxay sheegeen inay ku naf waayeen dhawr dagaal oo Muqdisho ka dhacay.
Dadka arrimaha amaanka falanqeeya waxay ku macneeyeen muuqaalkaan inay ku doonayaan inay helaan dhalinyaro fekerkooda qaadata oo la dagaalama reer galbeedka.


0 



Al-shabaab oo doonaya Dhalinyaro Weerar ka Fulisa Mareykanka
Musharaxa u tar tarmaya xilka madaxtinimada Maraykanka Donald Trump ayaa kasoo dhex muuqday muqaal ku dhawaad 1 saac soconayay oo ay soo bandhigeen Xarakadda Al-Shabab.