Wasiirka Amniga oo ka hadlay Qaraxii Maqaaxida The Village

0
Saturday January 02, 2016 - 18:11:37 in Wararka by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo ka hadlay Qaraxii Maqaaxida The Village

    Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne. Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahayay waxaana damaciisu ahaa in uu dilo dadka halkaasi isugu tegay, balse qaar mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qorshihii uu ku doonayay in uu dadka ku laayo.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa Qaraxauu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay Qofkaasi, maadaama dadkii ka shakiyay ay goobta isaga carareen.

Xigasho Radio Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip