Maxay Sacuudiga iyo Iran ka kala yiraahdeen dilkii maanta lagu fuliyay Sheikh Nimr al-Nimr?

0
Saturday January 02, 2016 - 17:52:19 in Wararka by
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Sacuudiga iyo Iran ka kala yiraahdeen dilkii maanta lagu fuliyay Sheikh Nimr al-Nimr?

    Sacuudiga iyo Iran, ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dilka maanta ay fulisay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya. Ugu yaraan 47 ruux oo uu ku jiro Sheikh Nimr al-Nimr, ayaa maanta la daldalay. Wadaadkan wuxuu ka tirsanaa Shiicada Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga iyo Iran, ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dilka maanta ay fulisay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya. Ugu yaraan 47 ruux oo uu ku jiro Sheikh Nimr al-Nimr, ayaa maanta la daldalay. Wadaadkan wuxuu ka tirsanaa Shiicada Sacuudiga. Dowladda Iran waxay xoog kaga carootay dilka lagu fuliyay ninkan. Iran waxay ku hanjabtay in dilkan uu noqon doono mid horseeda burburka qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee talada haaya.

Ayatollah Ahmad Khatami oo ka mid ah Wadaadada Shiicada Iran, ayaa wax aan wanaagsanayn ku sheegay xukunkii daldalaadda ahaa ee maanta lagu fuliyay Nimr al-Nimr.

Muftiga Sacuudi Carabiya, Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo isna ka hadlay dilka ninkaasi, ayaa wuxuu ku sheegay tallaabo loo baahnaa oo Dowladdu, ay horey u qaaday.

Muftiga, ayaa ku andacooday in ninkaasi uu abuuraayay falal liddi ku ah xasiloonida maanta ka jirta dalka Sacuudiga, isla-markaana ay Xukuumaddu eegeysay danta guud ee nabadgelyada, ay dadku haystaan.

Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo wax yar ka dib dilka 47-da qof ka soo muuqday Telefishinka Qaranka Sacuudiga, ayaa waxaa uu fulinta xukunkaasi uu ku sheegay wax uun qayb ka ah Cadaaladda.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo dilka Sheikh Nimr al-Nimr, ayaa maanta ka kala dhacay Wadamada Sacuudiga, Bahrain, Iran iyo Bangladesh. Bannaanbaxayaashu waxay xoogoodu isugu soo baxeen Bahrain.

47-ka qof ee la qaarajiyay, ayaa waxay bilow u yihiin 157 qof oo sanadkii hore la qorsheeyay in la daldalo sanadkan cusub ee 2016-ka.

Tiradan waxay ka badan tahay tirada sanadkii 2014-ka xukunka dilka lagu xukumay. Tiradaa waxay ahayd 90 qof.

China, Iran, Emirate Arab, Saudi Arabia iyo Iraq, ayaa waxaa lagu tilmaamaa 5-ta wadan ee caalamka ugu badan, ee xukunada dilka ihi laga fuliyo sanad kastaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip